Xisbiga UDUB Oo Olole Qarsoon Ka Wada Magaalada Laascaanood
Laacaanood
(Waryatv.com), Iyada oo aan la gaadhin wakhtigii ololaha doorashooyinka
Somaliland, isla markaana aanay koomishanka doorashooyinku soo saarin wakhitga
uu bilaabmayo olalaha doorashooyinku ayaa waxaa kambayn balaadhan ku
gaalabixinayaa gobolada bariga Xoghayaha guud ee Xibsiga talada haya ee UDUB
Jaamac Yaasin Faarax iyo xubno uu hogaaminaayo.
Waftiga oo maanta
gaadhay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa kormeer ku soo
sameeyey xarumihii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood, iyagoo kulamo la
qaadanaayey Guddoomiyaha gobolka ee xisbiga UDUB Cabdi Cabdilaahi iyo qaar ka
mida taageerayaashooda.
Sidoo kale waxay
waftigani kulamo la yeesheen xubno wasiiro ah oo halkaas (Laacaanood) u jooga
in ay u kuur galaan xaalada Amni daro ee soo wajahaday Laascaanood, waxaana la
sheegay in ay ka wada hadleen sidii dib loogu furi lahaa Is-gaadhista gobolka
oo mudo toddobaad ah ka maqnayd isla markaana uu amar ku bixiyey wasiirka boosaha
iyo Is-gaadhsintu in ay shirkaduhu khatka ka saaran hawlaha Is-gaadhsiineed ee
Gobolka.
Maaha markii ugu
horaysay ee masuuliyinta Xisbiga talada haya ee UDUB ay kamabyn ugu baxaan
gobolada Somaliland iyo Degmooyinkaba, iyada oo aan la gaadhin wakhtigii
ololaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa arrintaas dareen cabasho ka
muujiiyey Asxaabta mucaaridka oo koomishank doorashooyinka ka dalbaday in ka
joojiyaan Xisbiga UDUB ololaha uu bilaabay, taas oo ay sheegeen in ay qoraal u
diraan masuuliyinta UDUB.
Xafiiska wararka ee
Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by Abdiqani
Abdilahi Ahmed
(Asporo)
Asporo4live@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

