73-Ruux Oo Ku Geeryooday Dabaylo Ka Dhuftay Dalka Brazil.

2010-02-05

WaryaTv-RIO DE JANEIRO:Wararka ka imaanaya Dalka Brazil ayaa sheegaya inay Geeryoodeen 73-Ruux markii ay ku dhufteen Dabaylo Xoogan kuwaasoo weli ka da'aya qaybo baddan oo ka mid ah Dalkaas.

Dabeylaha ayaa xoogoodu ku dhuftay Gobalka Sao Paulo halkaasoo Dabeyluhu ay ku dhufteen December-tii Sanadkii tagay.

Xukumadda Dalkaas ayaa sheegtay in Dabeylaha  Cusub ay Gobalka Sao Paulo ku dhufteen Khamiistii Shalay aheyd waxaana la helay Dad hor leh oo geeryooday.

Dabaylaha oo ay bar bar socdaan Roobab Daadad wata ayaa waxaa haatan hakad ku jira isu socodka Gaadiidka

Isku soo wada duuboo Qaybo Baddan oo ka mid ah Gobalka Sao Paulo ayaa la soo sheegayaa inay haatan ku jiraan Xaalad deg deg ah.

WaryaTv -Rio De Janeiro

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com