Marka Laga Leeyahay Ethiopi-ya Oo Faro Caaradood Uga Badbaaday Burcad Badeed.
WaryaTv ,Adis Ababa:-Kooxo Burcad badeed Soomaaliya ayaa biyaha Gacanka Cadmeed ku baacsaday Marka la yiraahdo MV Andinet oo ay leedahay Shirkadda Ethiopian Shipping Line kaasoo marayay Meel 145 Miles kaga Beegan Magaaladda Cadan Bari-ga.
Shaqaalihii Marka Saarnaa ayaa Iska difaacay Kooxaha Burcad Badeeda oo dhinac baddan ka soo weeraray ayagoo wata Doomaha dheereeyay,Baasuukayaal iyo Qoryaha Garabka laga rido.
Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Badda ayaa u soo gurmaday Markabka ayagoona u soo diray Markab nooca wax bur buriyaa oo noociisu yahay USS Frragut waxaana ka soo duushay
Helicopter SH-80 taasoo baacsatay Kooxihii Burcadda ahaa.
Ciidamadda Badda US ayaa amaanay Shaqaalihii Markabka kuwaasoo u adeegsaday Kooxaha Burcadda ah Dhuumaha Biyaha Seyriya iyo kuwo Qaaca bixiya si ay isaga difaacaan.
Waa markii ugu horeysay oo Kooxaha Burcad badeeda Soomaalidaa ay Weerar fashilmay ku qaadaan Markab laga leeyahay Dalka Ethiopi-ya.
WaryaTv Adis Ababa.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.