Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Oo Sheegay In Uusan Jirin Wax Heshiis Ah Oo Ay La Galeen Xisbul Islaam.
Waryatv,Muqdisho:-Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max,ud rage "Sheekh Cali Dheere" ayaa sheegay in uusan Jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Xisbul Islaam.
Afhayeenka Xarrakada Mujahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay hadalkii dhawaabn uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys in ay Balantii ka baxeen Xarakada Al-shabaab.
"Sheekh Max,ud Raage ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay horey ula galnay walaalaheen Xisbul Islaam, ayagana ayaa laga rabaa halka uu heshiiska ka dhacay iyo cida la gashayga iyo waxa uu heshiiskaasi ku saabsanaa" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Dhanka kale waxaa uu sheegay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere in ay walaalahood cadeeyaan cida la gashay heshiiska iyo waliba halka uu ka dhacay ,isagoo daaha ka qaaday inuusan jirin wax xurgud ah oo u dhexeeya ayaga iyo walaalahood Xisbul Islaam, balse ayna ku midoobeen Jihaadka lagula Jiro cadowga allah ayuu yiri Sheekh Cali Dheere Afhayenka Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale hadalka ka soo yeerey Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa ku soo beegmayo xili uu Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi Turki oo ahaa ku xigeenkiisa uu ku biiray Xarakada Al-shabaab, ayadoo uu Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi "Sheekh Xasan Turki" oo ah Gudoomiyaha Mucaskarka Raaskambooni uu ka mid noqoday Xarrakada Al-shabaab ayna ka baxday Ururka Xisbul Islaam.
Tan iyo markii uu soo ifbaxay heshiiskii ay ku midoobeen Xarakada Al-shabaab iyo Mucaskarka Raaskaambooni ayaa waxaa malin ka hor Shir jara'id ku qabtay Magaalada Moqdisho Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin heshiiska ay walaalahooda Al-shabaab uga baxeen, wuxuuna xusay inay horay u galeen heshiis dhigayay inaan la kala qaadan ciidamada,ayadoona ay horaantii sanadkii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-shabaab Magaalada xeebta ku taal ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismayo .
WaryaTv Muqdisho-Somalia









