Dhacdo La'yaab Leh: Soomaali Ayeydi Oo 75-sano Jir Ah Afduubtay.
Sida ay tilmaamayaan Wararka ka imaanaya Degaanka Hilliard ee Gobalka OHIO ee Dalka Maraykanka Ciidamadda Boosliis ayaa Nolol ko helay Haweenay 75-jir ah taasoo Khamiistii la soo dhaafay ay afduubteen Wiil ay Ayeeyo u tahay iyo 3-Wiil oo Saaxiibadiis ah.
Booliiska oo lagu soo war galiyay Afduubkey Haweenaydaan Da'aada ah ayaa waxaa ay baaritaano ka dib Jimcihii Shalay ahaa ka heleen Hotel ku yaala Gadida Diyaarahada ee O'hre Airport ee Chicago.
Howeenaydaan ayaa waxaa afduubta 4-wiil oo uu ku jiro Wiil ay Ayeeyo u tahay kaasoo Magaciisa lagu sheegay Cusmaan Muxiyadiin mana cadda sababta keentay inay afduubtaan Haweenaydaan da'aadu la dagtay.
Soomaalida ku nool Dalalka Qurbaha gaar ahaana Dalka Maraykanka ayaa baryihii dameb waxaa ku soo badanayay dhaqan Xumadda,ayagoona horaantii Sanadkaan isku laayay Minneaplis.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadaan ayaa noqotay mid aad loola yaabo waxaana guud ahaan Soomaalida ku nool Dalka Maraykanka ay ahaayeen kuwo dhafoorka wada qabsaday markay maqleen dhacdadaan Fool xumada Xambaarsan.
Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Kenya
saciidnadaara@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

