Madaxweyne Rayaale Oo Noqday Madaxweynahii Ugu Qaab Fadhi Xuma
Source: Golisnews
2010-02-06

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa noqday madaxweynahii ugu qaab fadhi xuma marka uu qaabilaayo madaxda iyo dadka kale ee martida u ah, isagoo u fadhista qaab isku dhex yaacsan oo uu lagahiisa si qaab darran uu u kala bixiyo oo aan lahayn hanaan baratakool oo mararka qaarkoodna ka yaabisa madaxda uu la kulmo ee ajaanibka ah.

Haddaba Mudanaha laga soo doorto magaalada Bristol
ee koonfurta dalka England Mp Kerry McCarthy ayaa dhawaan xubno ka
tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Bristol uga sheekaysay
waxyaabahii ugu fajaca badna ee ay kala kulanto booqasho ay ku tagtay
Somaliland sannadkii 2008-dii magaalada Hargeysa waxay ku sheegtay inay
aad ula yaabtay ugana fajacday qaabka madaxweyne Rayaale u fadhiistay
markii uu qaabilaayey xildhibaano ay ka mid ahayd oo ah xildhibaanada
ku jira baarlamaanka Britain ee loo yaqaano Saaxiibada Somaliland,
maxaa labada lugood ee Madaxweynaha kala durkiyey ayey tidhi Mrs
Maccarthy
Mp McCarthy waxay sheegtay in ay inyar u jirsatay
inay weydiiso Madaxweyne Rayaale qaabka uu u fadhiyey inuu bedelo
iyadoo sheegtay inay ku noqotay iyada dhinaceeda yaxyax markii danbe ee
ay dhamaysteen kulankaasina ay gebi ahaantood isweydiiyeen iyada iyo
mudanayaashii kale ee ku wehelinaayey, waxaan la yaabay ayey tidhi xita
haddii uu isagu khaldamay miyaanay jirin ayey tidhi cid qaabilsan
baratakoolka iyo qaabka qaabilaadda oo Madaxweynaha u sheega inuu
bedelo hanaanka uu u fadhiisto, waxay marwo MCcarthy sheegtay in aanay
weligeed arag qaab noocaasi oo kale ah
Haykalkani Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale
wuxuu ka yaabiyey madax badan oo uu ka mid yahay safiirkii hore ee
qaramada midoobay u qaabilsana arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland
Ambassador Francois Fall oo dhawaan mar uu la kulmay muwaadin reer
Somaliland ah u sheegay in xita qaabka baratokoolka fadhiga Madaxweyne
Rayaale uu qaab darranyahay.
Ka Dhiibo Fikirkaaga Adigoon Cidna Aflagaado U Gaysan.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.