Wiilka Yeyka Noqday
Wiilkan oo da’diisu tahay 11 jir wuxuu noqday ilmo muuqaalkiisu isu beddelay bahalka yeyga la yidhaahdo, waalidkiisna waxay aad u raadinyayaan sidii loogu helaa dawo xaaladiisa caafimaad oo ah mid ay ku wareereen dhakhaatiirtu.
Wiilkani wuxuu ka mid yahay 50 qof oo dunida ku nool oo xanuunka noocan ah lagu arkay kaasoo loo yaqaano cudurka yeyka (werewolf syndrome). Cudurkaas ku dhacay awgiis ayaa jidhkiisa oo dhan waxa daboolay timo dhumuc adag oo kuwa yeyda oo kale ah.
Waxay rajaynayaan reerkiisu in maalin maalmaha ka mid dawo loo helo habaarkan ku habsaday.
Wiilkan wuxuu ku dhashay degmada Sangli oo u dhaw Bombay, degmadiisana ma dhaafo waayo wuxuu ka baqaa in dadku ku qoslaan sida uu u eegyahay ee Ilaahay u gartay.
Halka qudha ee aan jidhkiisa timo lahayn waa baabacooyinkiisa iyo xagga hoose ee cagihiisa.
Wiilkan oo ka dhashay reer ladan, walidkii waxay ku dayeen dawo nooc kasta ah balse midna way u shaqayn weyday.
“Ilaahay
muxuu sidan noogu galay,” ayey hooyadii oo 32 jir ahi tidhi. “Wuxuu u
egyahay waxaan la garanayn meesha aanu tagnaba dadku way ku soo
xoomayaan”.
Waxa la isku dayey in timaha lagaga jaro Laysar (Laser) hase ahaate timihii markiiba way soo baxeen iyagoo intii hore ka badan.
Dhkhaatiirtu wax xal ah uma hayaan illaa immika oo xaajo la yaab leh ayey ku noqotay.
Markii
ugu horreysay ee iskuulka la qoray carruurta oo dhami way ka maadaysan
jirtay laakiinse immika way la qabsadeen oo wuxuu u noqday caadi.
Wuxuu dhakhaatiirta caalamka ugu baaqay inay xanuunkiisa dawo u helaan.
WARYA TV









