Manchester United Oo Si Ba'an Dhulka ugu jiiday+sawiro‏

2010-02-07
Kooxda lagu naynaaso shayaadiinta cas cas ee Man United ayaa shalay si xun dhulka ugu jiiday kooxda Portsmouth ka dib markii ay ku marti galiyeen garoonkooda Old Trafford.
 
Ciyaartan oo ku soo idlaatay 5 gool iyo waxba ayay Manchester waxay fariin iyo hal xiraale culus uga dhigtay kooxda hoggaanka haysay ee Chelsea, taasoo maanta oo Axad ah is hayaan kooxda Arsenal-ta fadhida kaalinta 3-aad.
 
Man United oo iminka hal dhibic ka sara martay Chelsea ayaa ka war sugeeysa natiijada kulanka maata dhex mari doona labadan kooxood ee waaweyn kuwaasoo si aad ah looga qadariyo carigaasi Ingiriiska. Waxaana Man United ay dani ugu jirta in Chelsea laga adkaado amaba bar bar dhac lagu qabto.
 
Dhinaca kale, kulamadii isla shalay ilaa xalay la ciyaaray ayaa waxaa si lama filaan ah cashar lama ilawaan ah loogu dhigay kooxda Manchester City kuwaasoo ay kooxda Hull City uga naxsatay 2-1. Guul darradan ku dhacday Man City ayaa u muuqata mid ka rajo tiri karta hamiga ay ka leeyihiin u tar tamida 4-ta kooxood ee horyaalada yurub ka qeyb qaata.
 
Liverpool oo baryahan dambe madaxa kor u soo qaaday ayaa waxay si dirqi leh 1-0 uga badisay kooxda Everton, inkastoo si aad ah looga kubbad fiicnaa. Tottenham iyo Aston Villa ayaa iyaguna is mari waayay ka dib markii ay dhaawacyadooda 0-0 ku kala qaateen.
 
Kooxda yar ee Stock City ayaa waxay 3-0 ku karbaashtay Blackburn Rovers. Wigan iyo Sunderland iyaguna waxay isla dhaafi waayeen 1-1 halka kooxda Burnley ay 2-1 ku dirtay kooxda Westham United.
 
Dhanka kale, qaar ka mid ah kulamada horyaalada Spainish-ka iyo Talyaaniga oo xalay la ciyaaray ayaa kooxda Barcelona waxay 2-1 uga talaabsatay kooxda Getafe. Halka Madrid oo aan ka yeelin guushaasi ay gaartay Barca 3-0 ku dharbaaxday Espanyol.
 
Juventus oo u muuqata koox ay ka caddahay weli ayaa 1-1 iyaduna la dhaafi waysay kooxda Livono. Kooxda Palermo waxay iyaduna 2-1 meel isaga saartay kooxda Parma oo waa sii horreysay ka mid ahaan jirtay kooxaha laga baqo horyaalka dalkaasi Talyaaniga.
 
Wariye C/raxmaan "Helos"
Waryatv
Sports News
helos69@hotmail.com  

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com