Labo Matoor Ee Diyaaradaha Dagaalka Malaysia Oo Laga Helay Dalka Uruguay.

2010-02-07

 Laba Matoorada Diyaaradaha Dagaalka ah oo ay laheyd Malaysia lagana xaday xarrun Ciidamada Xooga Dalka Malaysia ayaa laga helay Wadanka Uruguay oo ku yaala Koonfurta America,sida Warbaahintu sheegayso.

 

Gaashaanle sare Abdul Gani Patail ayaa sheegay in lagala soo socodsiiyay Arrintaan Montevideo,Caasimadda Uruguay ayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku xaqiijinayaan badqabida iyo soo celinta Matooradda.

 

"Waxaanu raadinay caawimo aan kahelno Saraakiisha Dalka Uruguay,si aan u helno xaqiijinta halka lagu hayo Matooradda iyo soo celintoodaba," sida ay daabacday Jaraa'idka Star ee kasoo baxda Magaaladda Kuala Lumpur.

 

Dawladda Malaysia ayaa waxaa soo wajahay khilaaf ay dhalisay Arriintaan ayadoo Saraakiisha qaar uu baaritaan ka dhan ah Musuqmaasuqa ku socdo.

 

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Maxkamad lasoo taagay laba Nin oo midkood yahay Askari ( Sergeant ) halka kan kalana uu ahaa Ganacsade ayadoo labadaba lagu eedeynayo tuugnimo iyo waliba Musuqmaasuq,hase ahaate labadiiba wax danbi ah waa lagu waayay.

 

Labada Matoor oo ah nooca loo yaqaan Northrop F-5E qiima ahaana jooga 29 million oo Dollarka Mareekanka ah ayaa sida lashaaciyay waxaa lagu kala gatay habka suuqa madOw (black Market) ka gadaal markii laga soo qaaday xero milateri Sanadkii hore.

 

Ciidamada booliska ayaa sheegay inay ku qiyaaseen inay Matooradda jiraan Dalka Argentine.

 

Madaxa ciidamadda qalabka sida ee Dalka Malaysia ayaa sheegay in arrinkaan uu ahaa arin ay aad ugu daba jireen kaddib markii lawaayay qalab u dhigma malyuumaad ringit oo ay ku jiraan qaybaha Liyaaradaha lawaayay.

 

Dalal dhawr aha ayaa lagu tiriyaa inay haystaan Matooradan Diyaaradaha( Diyaaradaha) Dagaalka oo Casri horaa,waxaana kamidda US,IRAN,iyo SUDAN

 

Diyaaradahan markii ugu horeysay oo la soo saaro waxay ahayd sanadii 1963,waxaana ugudanbeysay soo saristooda sanadii 1989.

Saciid C/llaahi Kulmiye ‘’Nadaara’’
WaryaTv Nairobi-Office
saciidnadaara@hotmail.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com