Dagaal Dhulka Iyo Badda Ah Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Al-Shabaab Oo Ku Baaqay Jihaad.

2010-02-07

 Magaamulka Al-Shabaab ee Magaaladda Kismaayo ayaa Shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan Jihaad ay la gali doonaan Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo lagu soo taba baray Dalka Kenya haatan ku sugan Xadka Kenya iyo Soomaaliya kuwaasoo doonaya inay Weerar ku soo qaadaan Goobaha Mujaahidiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gudoomiye Ku Xigeenka Xarakadda Al-Shabaab ee Goboladda Jubooyinka oo la hadlayay Saxaafadda ayaa ugu Baaqay Shacabka inay si wada jir ah uga qayb qaataan Dagaal dhawaan uga imaandoona Ciidamadda Dowladda KMG iyo Xoogag Shisheeye.

Sh: Xussein Cabdi Geedi ayaa Shaaca ka qaaday in uu jiro dagaal wajiyo baddan oo dhawaan ku soo wajahan kaasoo kaga imaan doona Dhulka iyo Bariga.

Dhinaca dhulka ayuu tilmaamay inay ka soo weerari Doonaan Ciidamo Kenya lagu soo taba baray kuwaasoo haatan ku sugan Xadka Halka dhinaca baddana ay ka soo weerari doonaan Diyaaradaha Dagaalka US.

Magaaladda Kismaayo ayaa haatan waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan ayadoona Shacabka lagu baraarujinayo inay ka qayb qaataan (Jihaad).

Sikastaba ha ahaatee abaabulkaan ka jira Magaaladda Kismaayo ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Dowladda KMG ay shaaca ka qaaday inay weerarayso Goboladda ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeedaa.

WaryaTv Kismaayo-Somalia.

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com