Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ka Dalbaday Guddiga Dhaqalaha ee Wakiilada In Aan Warbaahinta Loogu Yeedhin
Hargeysa (Waryatv.com), Kulan ay yeesheen ururka dhakhaatiirta madaxa banaan ee xoolaha Somaliland iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada somaliland ayaa lagu gorfeeyey dhibaatada dhakhaatirda ka haysta wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi, dhakhaatiirta ayaa guddiga uga waraymay arrimo ay ka mid yihiin xadhigii uu wasiirku kula kacay laba ka mida dhakhaatiirtii ku wahlanayd baadhista xoolihii ka dhoofay somaliland.
Sidoo kale
dhakhaatiirta ayaa guddiga uga waramay dhibaatooyinka baahsan ee ka jira
maxjarka xoolaha iyo cadaalad-darada dhex hoganaysa, waxaanay ka dhawaajiyeen
dhakhaatiirtu in aan si isku mida loogu adeegtay ganacsatada reer somaliland
iyo masuulka carbeed ee ay xukumadu u xidhay xoolaha Somaliland Al-Jabiri.
Geesta kale wasiirka
xanaanada xoolaha ayaa laga filaayey maalintii shalay ahayd in uu hor-yimaado
Guddiga dhaqaalaha ee wakiilada, hase ahaate uu ka baaqday, ilaa hada ma jiraan
arrimo cudur-daara oo uu wasiirku u soo gudbiyey guddiga.
Geesta kale waxaa
jira warar sheegay in wasiirku guddiga dhaqalaha ee wakiilada uu ka codsaday
arrimo badan oo aanay ilaa hada daboolka ka qaadin guddigu, hase ahaatee warar
aad ugu dhuun daloola dhanka guddiga oo WARYATV soo gaadhay ayaa sheegay in
wasiirku uu codsaday in aan warbaahinta lagu casuumin gorfaynta xisaabaadka
laga sugaayo.
Dalabka Dr Idiris
Ibraahim Cabdi ayaa shaki weyn ku abuuray guddiga dhaqaalaha ee wakiilada, balse
warku muu xusin in laga aqblay iyo in kale wasiirka dalabkaasi.
Isku soo wada
duuduuboo wasiirka ayaa u muuqda sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyey ee
ka soo baxay dhanka guddiga mid ka meeraysanaaya xisaabinta kharaskii ku baxay
dhoofkii xoolaha nool ee Somaliland.
Xafiiska wararka ee
Waryatv
Hargyesa/Somaliland
Reported by Ibraahim
Abdirahman Qaasim
(Qaasim)
ibrahimqasim@waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

