Darawalkii Xoghayaha UDUB Oo Askari Qudha Ka Jaray

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-07

Caynaba (Waryatv.com), Wararka naga soo gaadhay gobolka Saraar gaar ahaana magaalada Caynaba ayaa sheegay in goor-dhawayd darawlkii xoghayaha guud ee xisbiga UDUB uu dilay askari kar tirsan guutada 12-aad ee ciidanka qaranka oo ku sugnaa Caynaba.

Ilo aad ugu dhuun daloola dilka loo gastay marxuumka dhintay ayaa sidaasi u xaqiijiyey WARYATV dhar daqiiqadood ka hor.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in askariga dhintay uu ahaa askarta ciidanka qaranka somaliland gaar ahaan qaybta 12-aad ee aaga bari, hase ahaatee ilaa hada ma jiraan warar dheerada oo ku saabsan sababaha dilka uu gastay darwalka xoghayaha UDUB.

 

Xisbiga UDUB ayaa dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafiyey safar kala duwan ku maraayey gobolada Bariga gaar ahaana gobolka Sool iyo Cayn oo ay hada joogaan.

Safaradaasi ayaa lagu sheegay in yihin olole qarsoon oo uu xisbiga UDUB bilaabay, hase ahaatee ilaa hada koomishanka doorashooyinka ayaan arrintaasi ka hadal.

Wixii war ah ee ka soo kardha sababta keentay dilkan foosha xun kala soco shabkada wararka ee WARYATV

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

Ibrahimqasim@waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com