Taliyihii Sahaminta Qaybta 12aad Ee Ciidanka Qaranka Oo Galabta Lagu Aasaasay Magaalada Burco, Kadib Markii Xabadi Kaga Qaraxday Darawalkii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB
Burco (Waryatv.com), Alle ha u
naxariistee Marxuum Mataan Mahdi ayaa la sheegay inay Xabadu ka haleeshay
Madaxa, isla markaana dhaawaciisa loola cararay magaalada Burco, halkaas oo uu
aakhirkii ku dhintay, kaas oo galabnimadii maanta lagu aasaasay isla magaalada
Burco.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay
Xukuumada Madaxweyne Daahir Riyaale oo la xidhiidha dilka Saraalkan ka tirsan Ciidanka
qaranka Somaliland, hase yeeshee Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka qaranka iyo kuwa Booliska
oo aanu la xidhiidhay si aanu wax uga weydiino dilka Marxuum Mataan Mahdi oo
ahaa Taliyihii sahaminta aaga bari ee qaybta 12aad ee Ciidanka qaranka
somaliland, ayaa ka gaabsaday inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan qaabkii uu
falkaasi u dhacay.
Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadan uu
ku dhintay Alle ha u naxariistee Taliyihii Sahaminta ee Ciidanka qaranka Marxuum Mataan Mahdi ayaa sheegay inuu
falkaasi ka dhacay ilinka hore ee Guriga Badhasaabka gobolka Saraar Mr
Saleebaan Ducaale X. Jaamac.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan uu ku
naf waayey Marxuum Mataan Mahdi ayaa muran weyn ka dhalisay magaalada Caynabo
ee xarunta gobolka Saraar, taas oo dadka qaar aaminsan yihiin, isla markaana ay
ku doodayaan in falkaasi ahaa mid badheedh ah, halka ay dadka ku dhaqan
magaalada Caynabo qaarkood ku doodayaan inuu falkaasi ahaa mid ku dhacay si
kedis ah, isla markaana ay Xabadu qoriga dhuuntiisa si kedis ah uga baxday,
kadib-na ay Sarkaalkan haleeshay.
Xafiiska Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by Cabdiqani Cabdilahi Axmed
Asporo
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

