Kulankii magalada JÖNKÖPING ee jaliyada reer SOMALILAND iyo xildhiban IBRAHIM MAHDI BUUBAA 2010 feberwari 7
Waxa maanta kulan wayni kadhacay magalada Jönköping ee dalka Sweden halkaas oo jaaliyada Jönköping kusoo dhaweeyeen xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ayaamahan kumarayay dalka Sweden socod shaqo isaga iyo gudoomiyaha barlamanka Somaliland Abdirahman (ciro).


Hadaba jaliyada Jönköping ayaa nasiib uheshay in ay lakulman mudane Ibrahim Buubaa oo ay kusoo casumeen magalada JÖNKÖPING si uu warbixin uga siiyo dalkii hooyo waana markii ugu horaysay mudo dheer in uu yimaado deegankan JÖNKÖPING qof kasocda qaybaha dawlada Somaliland sida Xukumada,Barlamanka,Guurtida iyo Dawladaha hoose ee Somaliland.

Xildhiban Ibrahim Buubaa waxa goobta kulanka kusoo dhaweeyay Jaaliyada Somaliland ee Jönköping oo ay hor kacayaan odayaasha magalada Jönköping .

Haweenka ayaa iyaguna kulanka aad uga soo qayb galay Waxa qudbada furay SHEEKH SALEEBAN ayaa furay kulanka una mahadnaqay Xildhbaanku sida uu uga aqbalay martiqaadkii jaliyada Jönköping ufidisay kadibna waxa mikrifoonka uu kusodhaweeyay X/ibrahim.

X/Ibrahim waxa uu marka hore kawaramay socdaalkodan sweden kadibna waxa uu simugle uga waramay oo uu aad iyo aad ugu dheeraday xalada dalku marayo isagoo sheegay inkastoo uu ka tirsan yahay xisbi mucarada mediyahana looga bartay isagoo dawlada weeraraya maanta oo uu joogo wadankale uu yahay nin matalaya dhamaan xildhibaanada SOMALILAND ee sadexda xisbi oo uu yahay nin qaran kadibna waxa bilaab may su,aalo ay dadku way diiyeen oo uu dhamaantood kajawabay qof walbana ku qancay.

Hadaba madasha oo aad ucamirnayd waxa kamuuqday dhamaan dadkii kasoo qayb galay farxad iyo qiiro wadaniyeed iyagoo xildhibaanka si heer sara ah uqaabilay
Waxa kulanka lagu soo gaba gabeeyay duco sigaara loogu duceeyay ABADIR HASAN QAWLE oo ahaa odayga magalada Jönköpin oo sanadkii hore ku geeriyooday isla magaladaa oo kalintiisii aad lootabayo waxaana ilaahay loogabaryay dambi dhaaf iyo jano


ABDILAZIZ SHABEL









