Haash Sigaar Ah oo uu Ka Tegay Churchill oo Lagu Iibsaday $8000
WARYA TV- Sigaar u badh-cabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Winston Churchil 1941kii ayaa lagu iibsaday lacag qaddarkeedu yahay $8000.
Raiisul wasaaraha ayaa xabbadan sigaarka ah isagoo aan dhammaysan bakhtiiyey isagoo markaa ku degdegayey shir ay lahaayeen golihiisa wasiiradu- isla markii uu bakhtiiyeyna waxa qaatay nin shaqaale ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha ee No.10 Downing Street.
Ninkan sigaarka qaatay ayaa u diray haashka nin saaxiibkiis ah isagoo u raaciyey qoraal yar oo uu ku qoray warqad rasmi ah oo No.10 Downing Street ku daabacantahay. Ninkaas loo diray haashka ayaa haystay illaa iyo intii uu ka dhimanayey Churchill. Isaguna wuxuu u sii gudbiyey nin kale oo ay qaraabo yihiin.
Haaskaas sigaarka ah oo dherekiisu dhammaa 4 hiish (4 inches) ayaa bishii November ee sanadkii hore lagu xaraashay lacag qaddarkeedu dhanyahay $8000 (oo u dhiganta illaa £4500).
WARYA TV









