Dowladaha Farance Iyo Belgium Oo Taba Barsiinayo Ciidamo Ka Socda Uganda Si Ay Gacan U Siiyaan Kuwa Ku Sugan Soomaaliya.
Taba barayaal heer saraa kana socda Dalalka Franasiis-ka iyo Bilgium-ka ayaa sheegay inay Taba bar buuxa siinayaan Ciidamo ka socda Xukumadda Uganda kuwaasoo loo diro Doono Dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya.
Ciidamada Taba barka loo fidinayo ayaa gaaraya 1,600 waxaana uu taba barku u socon doonaa Muddo 3-dex Asbuuc,ayadoona Bisha May ee nagu soo foo leh loo soo diri doono Dalka Soomaaliya.
Ciidamada oo ah kuwa Difaaca Dalka Uganda oo lagu Magacaabo UPDF ayaa waxaa loo taba barayaa Miino Baarista,Walxaha Qarxa,Isdifaacidda iyo Samaynta Bar Kantorool oo wax lagu baaro iyo Waxyaabo kale oo baddan.
Sikastaba ha ahaatee Ciidamaddaan ka socda Uganda ee taba barka loo siinayo inay aadaan Dalka Dagaalku hareeyay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xukumadda Uganda ay shaacisay inay Ciidamo Cusub u dirayso Soomaaliya.
WaryaTv Nairobi-Kenya









