Ciidamo Ka Tirsan Dowladda KMG Oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

2010-02-08

 Waxaa goor dhaweyd Urur-Al Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Soomaaliya isku dhiibay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG kuwaasoo dhawaan Taba bar ku soo qaatay Dalka Dibadiisa halka kuwa kalana la tilmaamayo inay isaga baxeen Jiida hore ee Dagaalka una dhaqaaqeen Xarunta Villa Soomaaliya.



Sarlkaal ka tirsan Urur-ka Al-Shabaab ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay inay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo tiradoodu gaarayso 60-da waa sida uu hadalka u dhigaye.

Magaaladda Muqdisho ayaa haatan waxaa ka soconaysa Munaasabad balaaran oo Urur-ka Al-Shabaab ay doonayaan inay ku soo bandhigaan Ciidamadda isku soo dhiibay.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo dhawaan la geeyay jiida hore si ay ula dagaalamaan Mucaaradka ayaa isaga soo holeelay ayagoona haatan ku laabtay Xarunta Villa Soomaaliya.

Kulaabashadooda ayaa lagu sheegay inay timid markuu uu khilaaf soo kala dhex galay Saraakiishii hogaaminaysa Ciidamadda oo isku khilaafay weerarka lagu qaadayo Mucaaradka.

Sikastaba ha ahaatee arrimahaan ayaa imaanaya xilli Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay waday abaabul dagaal oo ay ku doonaysay inay meesha uga saadho Mucaaradka.

WaryaTv Muqdisho-Somalia.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com