Al-Shabaab Oo Xukun Tacsiir Ah Ku Fuliyey Haween Ka Ganacsada Qaadka
2010-02-08
Maamulka Islaamiga ah ee ka Arimiya Degmada Afgooye
ayaan maanta waxaa uu xukun tacsiir ah ku fuliyey haween gaarayo ilaa
35 haween kamid ah ganacsatada qaadka ku iibiya gudaha degmada Afgooye
ee gobolka Sh/h ayadoona ay gajibeen amaradii uu horey u soo saarey
maamulka ka arimiya halkaas ee Maamulka ururka Xizbul islaam. Sidoo kale haweenkan xukunka tacsiirta ah lagu fuliyey oo gaaraya ilaa 35 haween ah ayaa lasheegay inay ka jabiyeen amar uu maamulku soo saaray oo ahaa inaan gudaha degmada Afgooye lagu iibin karin qaadka, iyadoona haweenka la qabtay iyagoo si qarsoodi ah qaadka ugu iibinaya gudaha degamda Afgooye.
Ciidamada amaanka ee Degmada Afgooye ee Maamulka Xibul Islaam ayaa sheegay in ay ka soo qab qabteen suuda magalada ayagoo qaadka ku gadayo ayadoona haweenka markiiba lagu xiray xabsiga degmada Afgooye oo ay xirnaayeen muddo24-saacadood ah, iyadoona maamulku uu markaa kadib ku fuliyey xukunka tacsiirta.
dhanka kale haweenkan lagu soo eedeeyay in ay jabiyeen amaradii uu maamulka soo saarey ayaa waxaa midkiiba lagu dhuftay 10-jeedal, iyadoona maamulka degmada Afgooye ay uga digeen haweenka qaadka iibiya inay jabiyaan amarka haddii kale ay la kulmi doonaan ganaax kan ka adag.
Waa markii ugu horeysay uu xukun tacsiir ah ku fuliyo haween lagu soo qab qabtay in ay jabiyeen amaradii uu maamulka horey u soo saaray oo ahaa in aan qaadka lagu iibin karin gudahan Magaalada ayadoona uu Maamulka Xisbul Islaam ee ka arimiya Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose uu horey uga mamnuucay in gudaha Magaalada lagu iibin karin qaadka, iyadoona amarkaas uu si rasmi ah uga dhaqan galay degmada Afgooye.
Abshir Dahir
WaryaTv Kismaayo
abshir257@hotmail.com









