Wakhtigii Doorashada oo Mugdi Badani Hadheeyey

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-08

Hargeysa (Waryatv.com), Xisbiyada mucaaridka somaliland oo ka gubtay warar is soo taraaryey oo sheegaya in komishanka doorashooyinku ay walaac ka muujiyeen in natiijo soo saaran khubarada hada gacanta ku haysa hawlaha iyo kala shaandhaynta diwaangelintii codbixiyayaasha ee qabsoontay horaantii sandkii 2009.

Geesta kale xisbiga talada haya ee UDUB iyo madaxweyne Riyaale ayaa si weyn ugu diirsaday in loo maaro waayo hawlaha Server-ka ee gacanta lagu hayo wakhti xaadirkan.

Tan iyo markii uu soo af-jarmay khilaafkii uu dhiigu ku daatay isla markaana u dhexeeyey xukumada iyo Baarlamanka Somaliland, hase ahaatee laga gaadhay is fahan ku xidhan koomishaka doorashooyinka ayaa hada laga joogoaa mudo ku dhaw afar bilood, isla markaana aan ilaa hada la gaadhin wax go’aan ah.

Geesta xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye ayaa sheegay in arrimaha nabad galyo la’aanta ah ee ka soo cusboonaaday gobolka sool ay dhibaatooyin weyn ku abuuri karaan arrimaha nabad galyada iyo geedi socodkii dimuquraadiyada ee ka hano qaaday dalka.

Xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye ayaa dhambaal qaylo dhaan siyaasadeed u diray, Xukumada, xisbiga kale ee mucaaridka ah iyo guud ahaan bulshada somaliland, waxaanu si gaara farta ugu fiiqay xisbi ahaan in meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabad galyada.

Geesta kale xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa sheegay hadii ay sii socdaan falalka amaan daro in ay gabi ahaanba bur bur ku iman karo arrimaha doorashooyinka ee sida weyn loo sugaayo.

Waa markii ugu horeesay ee xibigu Kulmiye qaylo dhaan u kala diray xisbiyada qaranka iyo bulshada reer somaliland tan iyo intii ay soo if-baxeen falalka amaan daro ee gobolka Sool ka soo if baxay.

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com