Xaaladda Somalida Ku Dhaqan Dalka Uganda
Kampala (Waryatv.com), Kumanaan somaali ah ayaa kudhaqan wadankan Uganda kuwaas oo isugu jira qaxooti iyo kuwo ganacsato ah iyo kuwo iyagu wax kabarta jaamacadaha dalkan, hadaba hadaan u gonda degno xaalada qaxootiga somaliyeed ee dalkani ilaa 4000 kun oo qaxootiya ayaa ku nool dalkani kuwaas oo iyagu ka soo barakacay dhulka somalida markii xukuumadii Siyaad Barre Afka ciida loodaray, hadaba boqolala qaxooyi soomali ah ayaa ku soo qulqulaya dalakan Uganda.
Tan
iyo markii dawlada maraykanku shaaca ka qaaday in ilaa 6000 oo qaxooti somali
ah ay ka daad guraysay dalkan gaar ahaan xerada Nakafaali oo dhinaca galbeed
kaga beegan caasimada dalkan Kampala
Hadaba
mar aan booqday xaafada soomlida ee Kesenya ayaa amuurtani noqotay mid
gilgishay shucuurta dadka somaliyeed oo iyagu ahaa kuwa ku daalay xerada Nakafaali,
si kastaba ha ahaatee daka ayaa ku sheekayasanya meelaha lafadhiisto iyo
meelaha lagu caweeyo hadlo marxabayna oo farxadi ku dheehantahay iyaga oo quud-daraynaya
in mar uun laga qaadi doono ooda
Ganacsiga Somaalida Dalkan
Sooomali badan ayaa halkan ganacsiyo kala duwan kule, kuwaas oo isugu jira
ganacsiga yar yar sida makhaayadaha, hudheelada laseexdo iyo meelaha laga
dukaansado.
Dhanka kale waxaa jira gancsi wawayn oo ay leeyihiin dadka soomaliyeed sida
shirkadaha dhismaha iyo kuwa shidaalka.
Xaafada
Kesenya ayaa hal-bawlaha iyo xudunta ganacsiga soomaliyeed ah, sanadihii ugu
danbeeyay ayaa ganacsiga somalidu aad u sii kobcayay iyadoo ad ka dareemayso
xawliga suuqan iyo isu socodka dawaynaha, taas oo ay sababtay dawlada Uganda oo
ah mid iyadu u dabacsan dadka soomaliyeed.
Xaaladda Ardayda Dalkani Wax Kabarta
Boqolal arday somali ah ayaa dalkan wax kabarta gaar ahaan jaamacadaha iyo
machadada dalkan, kuwaas oo ka soo kicitimay dalka somaliaya iyo Somaliland,
mar aan u kuurgalay xaalada ardaydan oo aan qaar kamida la kulamay ayaa waxay
ii sheegeen in aya xaaladu tahay mid aad u wanaagsan oo haba yaraatee aan wax
dhibaato ah lackulmin.
Ardaydan wax ka abarta jaamacadaha dalkan ugu waa wayn sida KIU Kampala International
University iyo STl ewrance, ardaydan ayaa badankoodu kayimaada magaalooyinka Somaliland
gaar ahaan Hargaysa Burco iyo xarunta dalka somaliya ee Muqdisho
Reported by Maxamed Xaji Cabdi Lahi Jamac
majaamac@hotmail.com
Tel:+256718259269
Kampala Uganda
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

