Laga barayba laga badi

2010-02-10

WARYA TV- Wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa la sheegay inuu lacagtii cashuurta ee ka soo xerootay Maxrajka Berbera uu baal mariyey wasaaradda maaliyadda si toos ahna ay isugu shubshubteen madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sidaa WARYA TV u sheegay.

 

Wasiirka ayaa la soo ogaaday inuu isagu si toos ah lacagtii ugu shubay madaxtooyada oo uu Daahir Riyaale la qaybsaday lacagtaas isaga oo Cawil oo markii hore ay madaxweynaha hantida ummadda wadaagi jireen meesha ka saaray.

 

Cawil ayaa hadda ka hor ku dhawaaqay in lacagta ka soo xeroota kastamada si toos ah loo keeno wasaaradda maaliyadda taasoo bangigii dhexe ee waddanka ka dhigtay inuu meesha ka baxo. Tallaabadaas uu Cawil hore u qaaday ayaa immika isaga loo adeegsaday.

 

Wasiirka maaliyadda oo ay hore ugu yeedheen guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiiladu ayaa sheegay inaanu wax war ka hayn cashuurta laga qaado xoolaha nool ee la dhoofiyo sidaas awgeedna guddiga dhaqaaluhu ay kala xisaabtanto wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.

 

Dr. Idiris oo ay u yeedheen guddiga dhaqaaluhu tiraba afar jeer ayaan illaa immika ka soo hor xaadirin golaha wakiilada. Markii ugu dambeysay waxa la sheegay in guddoomiyaha golaha wakiiladu warqad u qoray balse intuu ballan qaaday uu haddana jaray inuu hor yimaaddo guddiga dhaqaalaha.

 

Dr. Idiris oo qarinaya baaxadda fadeexadda ee uu dhex fadhiyo ayaa hadda ka hor ka codsaday guddiga dhaqaalaha inaan loo yeedhin saxaafadda haddiiba uu la kulmayo golaha wakiilada taasoo abuurtay shaki badan waxa uu qarinayo.

 

Arrinta ayaa la rumeysanyahay in madaxweynaha oo ah ninka uu lacagta cashuurta ummadda u geeyo uu kula taliyey inaanu ka ag wareegin golaha wakiilada si aan loo ogaan lacagta xoolaha ka soo hoyatay intay le’egtahay iyadoo la ogsoonyahay xoolaha illaa maanta la dhoofiyay tiradooda iyo neef kasta waxa laga qaado.

 

Waxa intaa dheer dawladda oo hore uga been sheegtay in maxrajku uu dhisay Al-Jaabiri taas oo ah been ay dawladdu faafisay balse arrintaasi la soo xaqiijiyey oo la ogaaday in lagu dhisay deeq laga helay Bangiga Waddamada Islaamka.

 

Ummadu waxay ka dhursugaysaa bal inuu madaxweeynuhu saaxiibkiis Idiris yeyda u tuuro iyo iinuu yidhaahdo “habar baa iska hawhawleh heelada inoo tuma”.

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com