Fadeexadda Dawladda Riyaale Kaga Habsatay Paris
Wasiirk-ku-xigeenka caafimaadka ee Somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa dhawaan ka ambabaxay carriga ingiriiska isagoo u kicitimay xarunta Paris ee waddanka Faransiiska. Mahdi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd inuu soo dhaweeyo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo booqasho caafimaad oo khusuusi ah ku imanayey waddankaas Faransiiska.
Wasiir ku xigeenka Cismaan waxa soo dhaweeyey nin Siciid la yidhaahdo oo marxuumkii Fagadhe uu safaaradda kaga sii tagay isla mar ahaantaana loo sii tababaray hawlaha dibloomaasiyeed, xidhiidh fiicanna la leh laamaha kala duwan ee dawladda Faransiiska, ninkaas oo ah nin aad u dedaal badan.
Wasiir-ku-xigeenka waxa hotel-ka loogu sii kireeyey credit-card uu leeyahay Siciid illaa iyo inta madaxweyne ku xigeenku imanayo. Hase ahaate nin kale oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha oo isna hore loogu ballan qaaday mansabka safiirnimada ee Faransiiska oo deggan magaalada Rennes oo ah halka uu Daahir Riyaale guriga ka iibsaday ee reerkiisuna degganyahay isla mar ahaantaana ilaaliya guriga reerka madaxweynaha ayaa waxa la soo hadlay marwada madaxweynaha Huda Barkhad oo u sheegtay inuu hotel fiican u kireeyo madaxweyne ku xigeenka oo imanayey waddankaas Faransiiska. Marwo Huda waxa kale oo ay la hadashay madaxweyne-ku-xigeenka oo ku wergelisay in uu hotel u qabtay ninka lala doonayo jagada safiirnimada.
Waxa isaguna madaxweyne ku xigeenka xidhiidh joogta ah la lahaa wasiir-ku-xigeenka, Mahdi Cismaan Buuri, oo isna hotel u sii qabtay madaxweyne ku xigeenka oo uu hore ugu sii sheegay. Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sheegay Mahdi in lala soo xidhiidhay oo hotel kale loo qabtay hase ahaatee isaga (wasiir-ku-xigeenka) iyo qolada kale ee uu hoggaaminayo ninka lala damacsanyahay inuu buuxiyo jagadii Fagadhe (Alle ha u naxariistee) ay dhamaantood madaarka Charles de Gaulle International Airport kula kulmaan.
Intii aanay imin diyaaraddii madaxweyne ku xigeenku waxa isugu yimid goobta soo dhaweynta dadka imanaya (Arrivals Terminal Reception) labadii dhinac ee labada hotel kala qabatay ee ka kala socday marwada Madaxweynaha iyo wasiir ku xigeenka. Ninkaas lagu waday inuu noqdo safiirka Somaliland u fadhiya France oo ay la socdaan niman kale oo saaxibadiis ahi ayaa u yeedhay Siciid oo ay u arkeen inuu ku eryayo. Ka dibna waxa lagu boobay feedh iyadoo la isugu wada tagay ninkaas. Waxa markiiba yimi goobta boliiska Faransiiska oo wada qabtay dhammaantood. Boliiska ayaa waraystay siday wax u dhaceen balse dhinac kastaa wuxuu eedda ku moosay dhinaca kale taasoo keentay inay boliisku waraystaan dadkii meesha goob joogga ka ahaa. Waxa la yaab lahayd nin Soomaaliyeed oo madaarka ka shaqeeyaa inuu arkay waxa dhacay uuna si xiisa gaar ah leh uu ula socday waxa meesha ka dhacayey. Boliiska ayaa waraystay ninkaas waxaanuu u sheegay in ninka Siciid la yidhaahdo ay dagaal ku bilaabeen niman uu la socdo ninka safiirka sheeganayey.
Boliiska ayaa weydiiyey Siciid inuu doonayo in uu ashtako ku soo oogo nimankaas hase ahaatee wuxuu Siciid u sheegay askarta inuu iska saamaxay. Askarta Faransiiska ayaa ka yaabtay anshax xumada ninka sheeganaya dibloomaasiga ee feedhku u duuban yahay iyo askhaastan aan la kala garanayn cidda masuul ah iyo cidda kale.
Madaxweyne ku xigeenku markuu yimi ee uu soo degay wuxuu raacay hotel-kii uu u qabtay ninkii ay marwo Huda u ballimisay oo run ahaantii ahaa hotel ka fiican ka wasiir ku xigeenku u sii qabtay.
Intii madaxweyne ku xigeenku ku sugnaa Paris ayaa wuxuu isku dayey inuu tago Carriga Ingiriiska hase ahaatee waxa lagu xidhay shuruudo ah inuu haysto casuumaad rasmi ah sidaa awgeed wasiirk ku xigeenka ayaa xidhiidh la soo sameeyey jaaliyad ka mid ah jaaliyadaha Somaliland ee waddanka ingiriiska si casuumaad loogu soo diro. Casuumaadaas ayaa la sheegay in loo diray balse aanay waxba ka suuragelin.
Wasiir ku xigeenka Mahdi Cismaan Buuri oo hotel-ka loogu sii kireeyey credit-card uu leeyahay Siciid ayuu kharashkii ku baxay huteelka badh bixiyey, badhkii ku hadhsanaana sheegay inuu bixi doono berrito isagoo markaas wasiir ku xigeenku is ogaa inuu berrito waddanka ka tegayo.
Mar galabnimadii taleefan lagula hadlay ayaa waxa loo sheegay Siciid iyo saaxiibkiis oo arday ka ah Paris in uu hotel-kii uu ku jiray wasiir ku xigeenku ka baxay saacad ka hor oo uu dhoofay. Waxa lagaga daba tegay Terminal-ka isagoo markaas dhaafay halkii lagu eegayey baasaboorada (Passport checkpoint) kuna socda inuu raaco Tareenka badda hoos mara ee isku xidha Ingiriiska iyo Faransiiska ee loo yaqaan EUROSTAR.
Wasiirk ku xigeenka ayaa ku warhelay oo maqlay sameecado waaweyn oo laga baahinayo magaciisa taasoo argagax ku ridday. Magaca wasiirka ayaa dhawr jeer lagu celceliyey inuu debedda u soo baxo oo iska xaadiriyo goobta warfaafinta (information kiosk). Wasiir ku xigeenka ayey laba askari oo bilays ahi dhinacyada ka galeen oo ay u sheegeen inuu lacag kala soo baxsaday arday.
Wasiirk ku xigeenka ayaa arkay in nimankii uu beenta u sheegay ay daba gurayeen oo qabteen. Waxay askartu ku amartay wasiir ku xigeenka inuu bixiyo lacagta lagu leeyahay halkaasoo jeebabkiisa iyo wixii uu sitay oo dhan lagu baadhay, fitir iyo faatirna loo kala qaaday wixii u sitay iyadoo ummaddii dhoofaysay iyo kuwii soo degayeyba ay wada daawanayso. Waxa jeebkiisa laga helay boqol yuuro (E100) oo la siiyay nimankii uu lacagta kala soo baxsaday, intii hadhayna waa laga cafiyey oo sidaas ayuu London ugu soo noqday.
Fadeexadahaas is huwan markay dhaceen ka dib ayuu Daahir Riyaale soo diray warqad uu Faakis (Fax) ku soo diray oo uu jagada safiirnimada ugu magacaabayo ninkii ay marwado wadatay.
Daahir Riyaale ayaa ku caanbaxday in wasiiradiisa si ay anshax xumo ku jirto ay u dhaqmaan oo foolxumo kasta oo ay soo hooyaan ama sameeyaan uu dugsado, isla mar ahaantaa hantida ummadda oo la booboo aan ka xishoon, dhegxumadana ku faana.
WARYA TV









