Guddiga Cusub Ee Ardayda Somalida Malaysia Oo Markii Ugu Horreysay Siminaar Aad U Ballaaran Qabtay
Siminaarka oo masuuliyiin kala duwan ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Daaci oo meel badan ka hadlay sida loogu baahan yahay in ardayda waxbarashada ka dhameysata wadankan Malaysia loogu raadin lahaa qaab ay shaqo ku heli karaan iyo waxyaabo kaloo ay ku maareyn karaan noloshooda intaba.
Sidoo kale, waxaa goobka siminaarka ka hadlay isla markaana lagu casuumay mid ka mid ah ardayda wax ka dhameysatay jaamacadaha wadanka Malaysia Mr. Yaasir M. Baaffo, kaasoo warbixin kooban ka siiyay socdaalkiisii uu kaga qeyb galay Shirkii ballaarnaa ee Mombasa ka dhacay.
Yaasir wuxuu hadal kooban ka siiyay taariikhda midowga ardayda Malaysia iyo marxaladaha uu soo maray wuxuna u mahad celiyay wax qabadka gudigii hore ee xilka wareejiyay inta uu Mombasa ku maqnaa soona dhaweeyay gudiga cusub ee haatan xilka hayo kuna amaanay in ay dhalinyaradii ugu da'da yareed ee soo marta taariikhda Midowga ardayda ay yihiin uuna u rajeynayo in ay la imaan doonaan wax ka duwan kana hormarsan gudiyadii hore kana shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa midowga ardayda iyo xiriirka caalamiga.
intaas ka dib Yaasir wuxuu ka war bixiyay shirkii mombasa in uu ahaa qeybtii 2-aad oo kii 1-d ka dhacay Entebbe-Ugandha, shiraka oo socday 6-11 Dec. 2009 kana soo qeybgaleen bulshada qeybaheda kala duwan una badnaayeen aqoonyahano aad quality u leh. sidoo kale doorka inooga aadanaa inaga reer Malaysia hadaan nahay in aan magacina ku hadlay lana diiwan galiyay in Soomaaliya himilo nabadeeda loo abuuro lana fuliyo aad ayey u soo dhaweeyeen si xamasadi ku jirto.
Wuxuu kaloo ka hadlay Zakiya kaalinta ay ka gashay shirka iyo gabaygii (Qaraabo), taana gabdhaha ku dhiira galiyay in ay Zakiyah ku daydaan loona baahanyahay kaalinta gabdhaha.. faaladas shirka kadib ayuu u sheegay in ay CRD iyo Inter peace soo qaban qaabiyeen shirkaas dadaal dheerna muujiyeen.
Intaas kadib ayuu u sheegay in uu matalayay ardayda soomaaliyeed meel walba ay joogaan isaga iyo Zam Zam gabar la yiraahdo oo ka timid Australia.
Wuxuu kaloo u sheegay in uu soo booqday ardaydii dhawaca aheyd ee ku jirtay Hospitalka ayna farxeen markay ku dheheen waxaan ka nimid Malaysia oo waa idin soo booqanay, sidoo kale Safaarda Malaysia ee Nairobi ayay ugu tageen iyagoo uga mahad celinaayo wax qabadka umada soomaaliyeed ay u hayaan ee malaysia ku nool.
Sidoo kale waxay la kulmeen boqolaal arday ah oo ay ku dhiira galiyeen inaysan marnaba ka daalin wax barshada oo meel kasta ay joogana wax bartaan waxii caawinaad ah ay nooga baahdaana diyaar ula yihiin. sidoo kale waxaan u sheegnay buu yiri in aan taganay safaarda Soomaliya ee Nairobi asagoo tilmaamay inay kala taliyeen dhanka administration-ka , sidoo kale Kampala aan kula kulanay Safiirka Soomaliya ee Ugandha una sheegany in aan Arday lagu tashan karo ay Malaysia kasoo socdaan, sidoo kale waxay la kulmeen Somali Community in Ugandha iyagoo kala hadlay in xirirka la xoojiyo iskaashi caalami ah la sameeyo.
Guntii iyo gebo gebadii, Mr Yasir markuu intaasi ku soo koobay waxbixinta safarkiisii ayaa waxaa aad u soo dhoweeyay midowga ardayda iyagoo waliba ka codsaday in uu wax yaabo badan dhanka maamulka ah kala taliyo. Waxayna ku amaaneen wax qabadka socdaalkiisii.






C/raxmaan Jamac Afrax
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

