Cabdi Haybe Xagguu Kala Qaaday Dhakhaatiirta, Dhakhaatiirtuse Xaggay Cabdi Haybe Kala Qaaday?
WARYA TV -Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, Cabdi Haybe, dakhaatiirta 11ka ah ee uu ka eryey wasaaradda caafimaadku waa tallaabo aan hore weligeed loo qaadin waana tallaabo qaldan oo lagu gaadhay cadho iyo caadifad oo weliba looga shakiyo karo inay ku ladhan tahay siyaasadi. Wasiirku haddii uu is-lahaa ciqaab ku soo rog dakhaatiirta waxba muu yeelin iyaga ee wuxuu ciqaabay dadkii laga doonayey inay wasaaraddiisu u adeegto. Taa micnaheedu maaha inaanu wasiirku dhakhtar eryin karin oo ay ka reeban tahay in dhakhaatiirta la eryo.
Dhakhaatiirta laftigooda waxa jira qaar aan ka soo ag xaadirin isbitaalka oo mushahaarada ku qaata, qaar ugu jira wasaaradda in dawada lagu tabaruco waddanka ay badhkooda qaataan oo suuqa ka xaraashaan, qaar kalena waxay ugu jiraan inay isticmaalaan qalabka cusbitaalka iyagoo lacag kaga soo qaata bokaansocodka rugaha caafimaad ee ay gaarka u leeyihiin. Waxa tusaale dhab ah u ah arxan la’aanta dhakhaatiirta qaarkood barnaamij laga sii daayay telefishanka BBC-da oo ku saabsanaa Isbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu isku soo dubariday Bill Connolly oo ah nin maadeeye ah (comedian) oo u dhashay Scotland. Barnaamijkaas waxa laga soo daayay inan yar oo labada lugood ka jabtay oo Iisbitaalka Hargeysa la keenay. Inantaas waxa lagu xidhay $200 in lagu daweeyo laakiin reerkoodu way kari waayeen inay soo helaan lacagtaas. Sida barnaamijka lagu soo daayay, inantii waxay u dhimatay markii la dawayn waayay oo dhakhaatiirtii goob joog ahayd isbitaalku ay dawayn waayeen waayo $200 may haysan.
Sidaa awgeed in dhakhaatiirtani ay isaga keen wada dhigaan inay yihiin niman wada wanaagsan oo malaa’ig ah waa oohintii yaxaaska (crocodiles tear). Yaxaaska ayaa lagu yaqaanaa intuu duni dhan raamsado inuu haddana oohin daadiyo. Hase ahaatee, dhakhaatiirta qaar fiicaninina way ku jiraan.
Dhakhaatiirtuu waa inaanay ku gefin oo meel kaga dhicin mansabyada ay ummadda u hayaan haddii ay iyagu doorteen inay u adeegaan ummaddooda. Waa inaanay iskaga dhex milmin faa’idada lacageed ee ay ka helaan rugahooda caafimaadka u gaarka ah iyo waajibaadka looga baahanyahay inay ka soo baxaan xagga u adeegista ummadda. Waxaad immika mooddaa inay labadii iskaga dhex milmeen. Dhakhtarka doonaya inuu isticmaalo qalabka isbitaalka ee u isticmaalaya danihiisa gaar ahaaneed waa inuu bixiyaa lacag go’an iyadoo la tixgelinayo kolba nooca qalabka ah ee uu isticmaalayo (flexible fee depending on hospital equipment used). Haddii kale waa inuu dhakhtarku bedaalkeeda ku bixiyaa waqti uu ummadda u adeego (in-kind).
Waxa intaas dheer in dhakhaatiirta qaar ka mid ahi macashii ay ku barteen meesha laga carshacarsheeyey isla mar ahaantaan tubooyinkii ay jiifka ku jaqi jireen laga juqjuqeeyey ka dib markii uu wasiirku keenay wajiyo cusub oo aan raggii hore ee ku cirraystay meesha aan la is aqoon taasoo abuurtay jawi xin iyo xaasidnimo leh oo inta badan ka imanaysay kuwa hore u joogi jiray meesha. Taasi waxay dhalisay in Dr. Cagaweyne oo dhakhtar ka mid ahi dhakhaatiirtaas uu aqbali kariwaayo tubada laga juqaalay taasina ay dhalisay inay ka soo yeedho inuu sida xoolaha u ciyo kuna hadaaqo Cabdi Haybe inaanu ahayn wasiir qaran balse uu yahay wasiirka Balligubadleh.
Xaaladda Somaliland iyo sida loo nool yahay maanta markaad eegto , caqliga saliimka ah ayaa diidaya in dhakhtarkaasi jidh damqasho uu ka damqanayo ummadda reer Somaliland ee u adeegi jiray awgeed inuu u weeraray Cabdi Haybe isla mar ahaantaana uu u badheedhay inuu ribeeyey beel dhan oo dawladda Daahir Riyaale debedda ka ah in si gaar ah loogu qaraabo kiilay. Hadaladaasi ma aha hadalo nin masuul ah laakiinse waa hadalo nin baalashle ah. Hadalkaas uu dhakhtarkaasi yidhi qudhiisa ayaa wuxuu yahay mid la isku eryo (sackable offence) waayo waa dhego adayg sidiisa u yaalla (insubordination).
Cabdi
Haybe wuxuu doortay inuu wasiir madi ah ka noqdo dawladda Daahir
Riyaale waayo beeshiisu si cad ayey u diiday inay ka mid noqoto
fadaraha iyo falalka foosha xun ee habeen iyo maalinba laga dhex falo
dawladdaas. Isaguna waa nin markab badweynta gooshaya oo siraadan ka
doortay inuu kaga wareegi huudhi mugdi ah oo ay budhcadbadeed naakhuudi
ka tahay oo aagga uu u socdaa aanu sugnayn. Markuu huudhigaas
badhcad-badeeda wadato uu doortay inuu dhexda u fadhiisto ayuu Cabdi
Haybe doortay inuu fadeexad iyo foolxumana xambaarto. Sidaa awgeed,
wasiirku waa inuu adakaysi u yeeshaa oo bartaa inaanu ku hafan
mawjadaha iyo duufaanta kolba soo laba kacaya ee ku habsanaya wasiirada
dowladda Daahir Riyaale ee uu huudhiga la fuushan yahay.

WARYA TV









