Siilaanyo: Shalay iyo Maanta

2010-02-26

WARYA TV- Sagaal sannadood ka hor taqriiban 23kii July 2001, waraysi ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah ee Jamhuuriya cadadka 1575 waxa waraysi lala yeeshay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo markaa iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Maaliyadda.

 

Waxa WARYA TV uu aad u baadhay oo soo fagay keydka wargeysadii ugu waaweynaa ee waddanka ka soo baxayey berigaas oo uu isku dayay inuu helo hadalo is-dhaaf ah iyo bal sida uu wax u arkayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilligaas iyo maanta.

 

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko sulaadiin Burco ku shiraysay xilligaas oo lagu eedaynayey inay wadaan shir-beeleed iyadoo xisbiyada faraha badan (multi-party system) la sameeyey, wuxuu ku jawaabay sidan:

 

Siilaanyo oo isna markaas ku tala jiray inuu sameeyo xisbi siyaasi ah oo ah kan maanta jira ee KULMIYE loogu magac daray markii la weydiiyey inuu raacsan yahay inay sulaadiintu shiraan oo weliba shirkaasi lid ku ahaa axsaabta wuxuu sheegay inay xaq u leeyihiin oo dastuurku u banaynayo inay shiraan oo isku iman karaan iyadoo la marayo dariiqa dastuurku dhigayo.

 

Siilaanyo isagoo markaas iska casilay xilka oo xisbiyada bishaas la aasaasay, waxa wax laga weydiiyay xisbiga UDUB. Inkastoo uu maqlay in xisbigii UDUB lagu aasaasay hantidii ummadda, haddana muu hubin oo muu rabin inuu iska eeddeeyo xisbiga UDUB balse wuxuu ku jawaabay sidan:

 

Mar wax laga weydiiyo inuu marxuum Maxamed Xajji Ibraahim Cigaal dib isu soo sharraxayo doorashooyinka markaa soo socday, wuxuu ku jawaabay Maxamxed Xaaji Ibraahim Cigaal anigu waxba odhan mayo, xaq buu u leeyahay inuu isa soo sharraxo waxayse siyaasadu ku wanaagsantahay inuu is-beddel yimaaddo, caafimaadka dimuqraadiyadda ayaa ku jira inuu isbeddel yimaaddo.

Mar la weydiiyey su’aasha ah: beelaha qaar ayaa ku doodaya in doorkani yahay doorkoodii, markaas adigu dooda noocaas ah sideed u aragtaa? Wuxuu ku jawaabay: Dood noocaas ahi wax sharciga meel kaga yaalla maaha. Madaxweynaha qaranka ayaa doorta, barnaamij qarnbaana lagu doortaa. Wuxuu ku daray sidan:

 

Siilaanyo waannu ka weynay wax is-dhaaf iyo munaafaqad ah waxaanaanu u aragnay inuu yahay nin siyaasi ah oo ka digtoon waxa afkiisa ka soo baxay oo miisaan culus lehna aragtidii nin waddan iyo ummad hoggaamin kara.

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com