KULMIYE-UK Wuxuu Yeeshay Sifihii iyo Dhaqankii UDUB Lagu Cambaaraynayey
Xisbiga KULMIYE waa xisbiga ugu weyn ee maanta ka jira dalka Somaliland, waana xisbiga shacabka Somaliland ugu taageero badan yihiin welina ay dadku ku soo biirayaan maalin katsa isagoo aan mansab iyo dhaqaaletoona u fidin dadkaas sida had iyo jeer caadada u ah xisbul-xaakimka. Waa xisbi ay isugu soo biyo shubteen dadkii aqoonta iyo kartida la bidayey ee u dhashay Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Guddoomiyaha xisbiga-UK, Ibraahim Xuseen (dakhare)
Wuxuu xisbigu ku hantay taageeradaas laxaadka leh kalsooni faro badan oo ay shacabku ku qabaan hoggaanka xisbiga iyo rajo weyn oo ay ka damacsan yihiin in uu noloshooda iyo dalkaba uu wax ka beddelo karo mustaqbalka haddii uu talada waddanka hanto. Waxa xusid gaar ah mudan in xisbigan KULMIYE aanu lahayn sifaha iyo dhaqanka lagu bartay xisbiga UDUB oo ah sharci darro kurisiga la iskaga fadhiyo, qawaaniinta oo lagu tunto iyo dastuurka oo la baal maro. Waxaad haddaba moodaa in sifaha iyo dhaqanka foosha xun ee UDUB ay dad badani ku naceen ugana soo carareen ay immika aqbaleen kuna dhaqmaan xisbiga KULMIYE-UK.
Xisbiga KULMIYE-UK waa xisbi sanadkiiba mar lagu doorto xubnihiisa Shirweyne. Xilligii la qaban lahaa shirweynihii caadiga ahaa ee lagu dooran lahaa xubno cusub amaba si rasmi ah dib loogu kordhin lahaa kuwa haatan xilka haya waxa la dhaafay bilo badan. Waxa sidaa ugu wacan, guddoomiyaha xisbiga-UK, Ibraahim Xuseen (dakhare) ayaa wuxuu xisbigii ka dhigay mid isaga kaligii ku koobaan oo had iyo jeer aanu la tashan xubnaha kale ee xisbiga kula jira . Waxa arrintan daliil u ah shirkii ugu dambeeyey ee lagu qabtay bariga London 7dii bishan February oo uu guddoomiyuhu rajaynayey in inta halkaas isugu timaadaa ay shaabad muddo kordhin ah ugu dhufato. Shirkaas oo aan shabakadaha wararka si baahsan aan lagu faafin waxa haddana isugu yimi xubno badan oo kale oo KULMIYE ah oo firfircoon oo aan iyaga meesha laga filayn inay yimaadaan ama guddoomiyuhu ka ilaalinayey inay yimaadaan.
Cajalad aanu ku daawanay istuudiyaha WARYA TV waxaanu aragnay xubno ka kala socda laamaha UK oo aan waxba looga sheegin ajendaha shirka oo ku tilmaamay shirkaas “AFDUUB”. Waxa kale oo cajalladda ka muuqday in hadalada adag ee ay ku hadlayaan wakiiladaas ka kala socday laamaha kale ee UK ay aad ugu riyaaqayeen dad dumar u badan oo meesha fadhiyey oo ka biyo diidanaa sida hoose ee garab-istaabashada ah ee uu guddoomiyuhu shirka u soo abaabulay. Waxa iyagana cadho lagula dhacay guddigii qabanqaabada oo iyagana waxa guddoomiyuhu u sheegay iyo waxay dadku ku hadlayeen ay kala jaad noqdeen. Waxa ka sii daran in laantii bariga London ee iyagu gogasha fidin lahayd aan waxba lala socodsiin ee iyaguna ay dibadda ka maqleen shirka. Guddoomiyaha-UK oo marka yaqiinsaday inaanay suuragalayn in shaabad muddo kordhin ah loogu dhufto oo uu duufaan kaga kacay meesha ayaa intuu cadhooday oo uu qayliyey meesha ka dhex lahaa, “Waxa lagu kala baxayaa By Law By Law”.
Guddoomiyaha waxa lagu heystay maarayn xumada iyo habka uu wax u soo abuubalay ee taageraayaashii xisbigana shirka laga qariyey oo aad u cadhaysnaa.
Waxa shirkaas lagu soo gebagebaayey oo loo ballamay in lagu qabto shirweyne magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska si dib loogu doorto ama xubno cusub loo doorto hase ahaate dib ayaa loo dhigay shirkaas iyadoo sababta looga dhigayna lagu sheegay inuu jiro Shirweynihii KULMIYE ah oo lagu qabanayey Manchester 20kii bisha February.
Shirkaas xisbiga-UK waxa la doonayey in lagu biiriyo illaa 8 xubnood illaa iyo immikana ma cadda goor shir la qabanayo dib loogu doorto xubnaha jira ama qaar cusub. Hase ahaatee, guddoomiye Ibraahim isagoo aan immika dib loo dooran oo uu isagu sharci darro yahay ayuu haddana xilal cusub magacaabay taasoo oo sii kala qaybisay xisbiga. Halka uu awoodda ka keenay isagoo aan weli dib loo dooran lama garanayo. Sifaha ah in kursiga si sharci darro ah la isaga fadhiyo, laguna takrifalo awoodda guddoomiyanimada isagoo aanu guddoomiyuhu sife sharci ah ku hayn xilka ayaa waxa ay xisbiga-UK ka dhigaysa mid dhaqan la wadaaga UDUB.
Waxa habeen iyo maalinba Daahir Riyaale lagu canbaareeyaa waxa weeye sifaha sharci darrada ah ee uu kurisiga ku fadhiyo isagoo si qaldan uu adeegsada hay’adaha dastuuriga ah ee ay ka mid yihiin golaha guurtida oo kolba muddo kordhin u samaysa aan dastuurka waafaqsananyn. Sidaa awgeed, haddii uu KULMIYE-UK u dhaqmo sida UDUB oo kale markaa sabab xisbul xaakimka UDUB loo canbaareeyaa meesha ma taallo. Waxa Daahir Riyaale iyo xisbigiisa laga diiday, KULMIYE laga aqbali maayo.
Guddoomiyaha KULMIYE-UK wuu ku fashilamay inuu la yimaado qorshe iyo istraatijiyad xisbiga dhaqaale loogu soo ururiyo oo illaa mantadan aan jirin. Illaa 8 xubnood ayaa guddiga iskaga tegay oo dantooda gaar ahaaneed iska raacday. Taageerayaal farabadan ayaa ka biyo diidan hoggaanka guddoomiyaha iyo habka gurracan ee qarsoodiga ah ee uu had iyo jeer wax u wado. Waxa ka sii daran, guddoomiyuhu wuxuu noqday nin aan dadka isu ururin oo ah sifaha koowaad ee ah inuu yeesho nin guddoomiye ahi. Waxa xusid mudan in xubno fiican oo karti lihi ay ku jiraan KULMIYE-UK oo iskood wax u qabtaa hase ahaatee hoggaanka ka xumaaday ayaa wixiiba isku fuuqsaday.
Taliska sare ee xisbiga KULMIYE waa inuu si toos ah u soo farageliyaa arrinta KULMIYE-UK sidii si dhakhso ah loo qaban lahaa shirweyne deg deg ah, oo uu illaa immika ka meeraysanayo guddoomiyaha xisbiga ee KULMIYE-UK, si loo doorto guddigii wadi lahayd hawlaha xisbiga ee waddanka Ingiriiska. Shirweynahaasi waa inuu noqdaa mid laamaha iyo xubnaha firfircoon oo dhan xisbiga lagu casuumo oo aanu noqon mid baafintiisa ibriiq lagu addimo.
Guddoomiyaha Xisbiga, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hadaladan dhaxal galka ah hore u yidhi, “ Caafimaadka dimuqraadiyadda ayaa ah inuu isbeddel yimaado. Inuu isbeddel yimaado waxay adkaynaysaa is-aaminka , xasiloonida iyo wadalahaanshaha…”
Haddaba in shirweyne la qabto oo uu isbeddel yimaado waxa ku jira caafimaadka xisbiga KULMIYE-UK waxayna adkaynaysaa is-aaminka iyo wadalahaanshaha xisbiga.
WARYA TV









