Yaa laga bartaa jacayl?
Waxaa jiri jirtay jaziirad ay kuwada noolaayeen dareemaha kala ah: farxad, murug (tiiraanyo), aqoon, taajirnimo, iyo kuwa kale sida jacaylka. Maalin maal maha kama mid ah ayaa waxaa la shaaciyay inay jaziirada biya qaadi doonaan. Markaas ayay dhamaan dareemihii wada dhisteen doonyo, kana tageen jaziirada.
Hase yeeshee Jacayl ayaa ku haray jaziiraddii, isagoo rajeynaaya wanaag. Hase ahaatee markii uu Jacayl naftiisa arkay inay jaziirada quusi rabto ayaa wuxu waydiistay kaalmo.
Taajirnimo oo wadata doon aad u qurux badan ayaa soo martay Jacayl. Kadib ayuu Jacayl waydiistay kaalmo isagoo yiiri:
- Taajirnimooy ma i qaadi kartaa?
Taajirnimo ayaa dabadeed ku jawaabtay: Maya, dahab iyo fillo, ayaa halkan iiga buuxa, meel aan ku saara ma jirto.
Dhalanteed ayaa hadana soo maray isagoo wato doon qurux badan. Jacayl ayaa kaalmo waydiistay balse Dhalanteed wuxuu ku jawaabay:
- Saaxiib kuma qaadi karo, waad qoyantahay. Doonta ayaad iga halayn.
Murugo ayaa iyana soo martay. Jacayl ayaa hadana kaalmo waydiistay balse Murugo waxay ku jawaabtay:
- Jacaylow anaaba murugo i haysataa ee iga qalee.
Farxad ayaa soo martay xeebta. Jacayl ayaa qaylo dhaan gaarsiiyay, balse Farxad waxayba ku faraxsanayd inaysanba maqlin qaylo dhaanka jacayl.
Xaaladu markay halkaas marayso ayaa Jacayl wuxuu maqlay cod leh:
- Jacaylow kaalay anaa ku saari doontaydee.
Doontii ayuu raacay isagoonba ogaanin waxa wata doonta farxad darteed. Kadib markii uu yimid dhul uu ku badbaado ayaa wuxuu Jacayl waydiiyay Aqoon (knowledge) cida soo badbaadisay. Aqoon ayaa ku jawaabtay inuu ahaa ruux da´ah.
Markaas ayuu Jacayl waydiiyay Aqoon waxa keenay inuu ruux da’a ah badbaadiyo, kana yeelo qaylo dhaankiisa.
Aqoon ayaa ku jawaabay:
- Ruux da’a ah kaliya ayaa wuxuu jacayl ku fadhiyo yaqaano. Waxa kale waa sheeko.
Fiiro: Dhalinta baryahan ee iska dhigta inay jacayl taqaano, talada
waalidkana ka dhaga adeyga (inta badan) ha ogaadaan inuu waalidka
ogyahay wax badan, khibradna u leeyahay wuxuu soo arkay, hadalna ugub
ma leh.
Adiguna yaad u aragtaa in uu jacaylka yaqaano?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).









