Aaminsananta ALLE oo la xaqiijiyey inay qofka ka qaado cudurada isla hadalka, buufiska iyo murugada
Inkastoo dood iyo hadal aanu ka jirin dadka Muslimiinta ah rumeynta ALLE iyo Rasuulkiis nabadgalyo iyo naxariis korkiisa EEBE ha yeelee ayaa hadana dad badan oo diinlawayaal ah oo u dhashay wadamo kala duwan waxaysan rumeysnayn ALLE.
Daraasad cusub oo ay soo saareen koox dhakhaatiir ah oo ka tirsan Jaamacada American Academy of Rush University ee wadankaasi Mareykanka ayaa lagu sheegay in 75% qofka oo rumeeya ALLE inay ka qaado cudurada ka dhasha murugada iyo walaaca.
Daraasadan ayaa waxay ka markhaati kacaysaa tilmaamaha diinta Islaamku ay horey u cadeysay ee ku aadan in rumeynta iyo aaminsanaanta ALLE inay tahay iimaanka qofka heerka uu joogo, waxaana tani muujinaysaa in hada ay qirayaan dadka aan Muslimiinta aheyn arimahaasi ay horey inoogu cadeysay diinteena sharafta badan ee Islaamka.
Dhakhaatiirtaasi waxay sheegeen in dadka ay qaabilaan ee bukaanka ah ee cudurada kor ku xusan la daalaa dhacaya kuwa aaminsan ALLE ay si deg deg u caafimaadaan, halka kale ee iimaankoodu daciifka yahay ay 75% ka fursad yar yihiin dad kale ee rumeeya jiritaanka iyo awoodaha EEBE.
Daraasadan waxay ku soo aadaysaa iyadoo dhawaan Jaamacada magaalada Toronto ee wadanka Canada ay soo saartey warbixin ka soo baxdey daraasad ay sameeyaan oo ay ku sheegeen in rumeynta iyo aaminsanaanta ALLE inay qofka u keento in uu ka bogsado cuduro badan oo halis ah.
WARYA TV









