Obama oo loo jeediyey in uu iska yareeyo sigaarka iyo Alcohol-ka uu qabatimay
Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barrack obama ayaa la siiyey talo wanaagsan oo dhanka caafimaadka ah taasi oo ku aadan balwad uu madaxweynuhu saaxiib la ahaa tan iyo yaraantiisii, taasi oo in uu joojiyo uu horey u balan qaaday hase yeeshee aanu ka dhabeyn balanqaadkaasi.
Obama oo xafiiska aqalka cas ee looga arimo dalka Mareykanka haya mudo sanad iyo bilo ah markii ugu horeysay bishii la soo dhaafay wuxuu marey baaritaan dhanka caafimaadka ah, iyadoo la soo wariyey wal wal ku aadan caafimaadkiisa hadii ay sii socoto in madaxweynuhu uu salka sii hayo dhalooyinka khamriga ah iyo dhuuqida sigaarka.
Koox dhakhaatiir ah oo madaxweyne caafimaadkiisa baaritan ku sameysya hadal ay soo saareen waxay ku sheegeen in hadii madaxweynuhu aanu sigaarka iska joojin loo baahan yahay in uu xakameeyo, iyadoo sidoo kale ku taliyey in uu xakameeyo cabitaanka alcohol-ka.48 jirka sadexda sano ee soo socota sii ahaan doonaa Madaxweynaha Mareykanka waxaa dood adag uga timid xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga kuwaasi oo madaxweynaha ku eedeeyey in uu hoos dhigo cholesterol-ka jirkiisa, laakiin agaasimaha xafiiska aqalka cad ayaa ku dooday in madaxweynuhu caafimaadkiisu yahay mid aad sareeya.
Dhakhtarka aqalka cad Jeffrey Kuhlman wuxuu sheegay in looga baahan yahay madaxweyne obama in uu xakameeyo cabitaanka khamriga, isla markaana uu iska dhaafo cabista sigaarka, isagoo taasi ku badalanaya raamsiga ama ruugista xanjo nicotine-keedu yar yahay maadaama bisha August ee sanadka 2011-ka uu jirsan doono 50 sano.
Baaritaanka dhanka caafimaadka ee obama uu marey wuxuu qaatey mudo 90 daqiiqo ah waxaana lagu sameeyey xarunta caafimaad ee lagu magacaabo National Naval Medical Centre in Bethesda, Maryland, waxaa baaritaankaasi lagu muujiyey in loo baahan yahay in uu muhiim balaaran siiyo heerka cholesterol jirkiisa, isla markaana uu sigaarka ka dhigo mid uu ka waantoobo.
Bishii June ee sanadkii la soo dhaafay oo ay socdeen ololaha doorashadii uu ku guuleystey wuxuu shir jaraa’id ka sheegay in uu si goos goos ah sigaarka uu cabo, taasina waxay markii ugu horeysay uu si buuxda u shaaciyo inaanu wali joojin si buuxda sigaar dhuuqida.
Dhakhtarkiisu wuxuu sheegay in obama uu cuno xanjo nicotine leh taasi oo ah in uu sigaarka iskaga gooyo taasi oo uu sheegay in loo baahan in uu sii wado.
Sanadkii 2007-dii oo ahaa markii ugu horeysay ee uu
shaaciyo in uu sigaarka joojinayo wuxuu ka sheegay dood Telefishin oo
uu ka qayb galey, xiligaasi oo uu ahaa Senator wuxuu ku sheegay in
sigaar joojinta uu ku qanciyo xaaskiisa Michelle oo jeclaatey in uu
iska dhaafo cabida sigaarka.
Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyey Madaxweyne obama
waxaa sidoo kale ka mid ahaa dhiig laga qaaday oo laga baaray cudurka
kansarka oo inta badan ka dhasha cabida sigaarka, iyadoo la sheegay in
uu aanu qabin wax cudurkaasi u dhaw.









