Xildhibaan Baarlamanaka Somaliland Ka tirsan oo La hadlay Rachel Chandler oo ay Budhcad Badeedu Afduubtay

2010-03-04

WARYA TV- Mudane Axmed Maxamed Diiriye (NacNac) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland ayaa khadka taleefanka kula hadly Rachel Chandler (Reyjal Jandlar) oo ah mid ka mid lamaanaha ingiriiska oo ay budhcad badeed Soomaaliyeed ka soo afduubeen dooni ay wateen 23kii Oktoobar ee sannadkii hore.

 

La hadalka uu xildhibaan Nacnac la hadlay Rachel Chandler 19kii Febraayo abbaara 5.20 waqtiga Afrikada bari ayaa waxay ka dambeysay baaq uu 14kii Febraayo u diray budhcadbadeeda haysata Paul and Rachel Chandler inay siidaayaan lamaanahaas si bilaa shuruud ah. Baaqaas uu xildhibaanku sameeyaay ayaa wuxuu ka dhashay ka dib markii uu TV-ga ka arkay xaaladda caafimaad ee aadka u liidata ee haweenaydaas  waayeelka ah oo uu sheegay in bani-aadamnida, islaamnimada iyo dhaqankaba ay ka dhantahay in dad gaboobay sidaas loola dhaqmo gaar ahaana haweenayda Rachel .

 

Baaqaas ayaa waxa laga faafiyey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, Universal TV iyo warbaahinta kale ee madax bannaan ee ay ka mid yihiin shabakadaha wararka ee internet-ka iyo jaraaidka waddanka ka soo baxa taasoo keentay inay budhcadbadeeda gacanta ku haysa lamaanahaas ay xidhiidh toos ah la soo sameeyaan xildhibaanka maalmo yar dabadeed.

 

Xildhibaan Nacnac ayaa waxa xidhiidhkii ugu horreeyey lala soo sameeyey 16kii February- labo casho ka dib marka baaqiisa laga faafiyey warbaahinta.

 

Waxa 5.30 galabnimo isla maalintaas la soo xidhiidhay nin magaciisa ku sheegay Axmed oo sheegay inuu ka soo hadlayo muqdisho, weydiiyayna xildhibaanka inuu yahay mudane Axmed Nacnac iyo inkale. Muu sheegin ninkaasi halka uu ka soo helay lamabarka gaarka ah ee xildhibaanka hase ahaatee wuxuu u sheegay in la maqlay baaqii uu sameeyey oo ka baxay warbaahinta. Ninkaasi wuxuu siiyaya xildhibaan Nacnac lambar uu kala xidhiidho dadka haya lamaanaha. Xildhibaanka oo markaas ku mashquul ahaa shir waqtigiisu jiitamay ayaa waxa mar kale taleefan ku soo celiyey ninkaas Axmed sheegtay oo weydiidyey inuu xidhiidhkii la sameeyey qofkii uu taleefan lambarkiisa siiyay.

 

Xildhhibaan Nacnac ayaa wuxuu la xidhiidhay lambarkii la siiyay oo uu ka qabtay nin sheegtay Maslax. Isla marka uu ninkaas la xidhiidhay, wuxuu Maslax u sheegay xildhibaan Nacnnac inuu dhigo taleefanka oo uu isagu ku soo celin doono. Labo saacadood ka dib ayaa Maslax taleefan soo celiyay oo la hadlay xildhibaanka.  Maslax wuxuu u sheegay xildhibaanka inuu ku xidho doono nin uu ku sheegay guddoomiyaha guddiga isla mar ahaantaana afhayeen u ah budhcadbadeeda lamaanaha Ingiriisku gacanta ugu jiraan.

 

Xildhibaan Axmed Nacnac wuxuu u sheegay Maslax inay dad aan meyd waxba dhaamin ay haystaan oo ay Ilaahay ka yaaban oo ay iska sii daayaan dadkaas iyagoo tixgelinaya boqolaalka kun ee Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska oo ay sumcad xumo iyo dhibaato u keeni karto. Waxa kale oo uu xasuusiyey budhcad badeeda in diinta iyo dadnimada ay ka baxsantahay in dad waayeel ah oo caafimaadkoodu liito ay lacag ka raadiyaan. Maslax wuxuu siiyay xildhibaanka taleefan uu kala xidhiidho guddoomiyaha guddiga, waa sida hadalka u dhigaye.

 

Xildhibaan Nacnac wuxuu la xidhiidhay ninkii guddoomiyaha ahaa ee lambarkiisa la siiyay. Wuu ka qaban waayay taleefanka dhawr jeer oo uu tijaabiyey.

 

17kii Febraayo, abbaara 7.30kii fiidnimo ayuu xidhiidh la soo sameeyey xildhibaanka. Ninkaas oo magaciisa ku sheegay Cali Geedow wuxuu wediiyay xildhibaanka wuxuu u hayo. Xildhibaan Nacnac ayaa isna dhiniciisa u sheegay ninkaas inaanu isagu shakhsiyan wax lacag madax furasho ah oo uu u hayaa aanay jirin haba yaraatee balse sida uu baaqiisa horeba ugu sheegayay uu doonayo in dadkaas oo caafimaadkooduna liito ay si bani-aadanimo iyo islaamnimo ku jirto ay isag sii daayaan. Xildhibaanku wuxuu u sheegay Cali Geedow inaanay markab qabsan ee ay dad iska liita oo shicib ah ay haystaan.

 

Wuxuu dhiniciisa sheegay Cali Geedow in lacag dhan $300,000 ay ka gashay mashruuca, iyaguna aanay rabin inay sii haystaan dadkan waayaalka ah hase ahaate naxariista iyo beer jilayca ka muuqda xildhibaanka aanay iyaga ku jirin ee ay yihiin niman budhcad badeed ah oo u diyaar madax furasho ay qaataan.

 

Cali Geedow waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanka runtiis ay tahay inaanay markab qabsan balse dabankii ay dhigteen uu bakayle ka galay sidaa awgeed ay ku raadinayaan bakaylahoodu qiimaha uu u gooyo.

 

Xildhibaan Nacnac wuxuu u sheegay Cali Geedow bal inuu horta qanciyo isaga oo uu hubsado inay nool yihiin lamaanuhu gaar ahaan Rachel Chandler oo xildhibaanku uu sheegay inuu aad uga naxay aragtidii markii laga soo saaray TV-yda caalamka ee dakhtarku eegayay xaaladdeeda caafimaad. Cali Geedow wuxuu xildhibaanka u ballan qaaday inuu la hadalsiiyo Rachel Chandler.

 

19kii February oo ahayd maalintii uu Cali Geedow u ballan qaaday inuu xildhibaan Nacnac la hadal siiyo Rachel Chandler ayaa maalintii oo dhan uu xildhibaanku gurigiisa ku sugayay in la soo waco hase ahaatee lama soo wacin waqtigii uu filayey taleefanka. Saacaddu markay ahayd 5.20 maqribnimo ayaa isagoo xildhibaanku joogo guriga guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay la joogaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaano kale ayaa waxa soo dhacay taleefan. Taleefankaas ayaa wuxuu ahaa mid ka yimi Cali Geedow. Cali Geedow wuxuu u dhiibay taleefanka Rachel Chandler oo la hadashay xildhibaan Nacnac.

 

Xildhibaanku wuxuu weydiiyay magaceeda oo ay ku sheegtay Rachel Chandler, iyaduna waxay weydiisay halkuu ka socda iyo cidda uu yahay. Wuxuu xildhibaanku u sheegay Rachel in magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Diiriye oo uu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somaliland sababta loola hadalsiiyeyna ay tahay isagoo baaq u sameeya codsi ah in la sii daayo lamaanahooda. Xildhibaanku wuxuu weydiiyay magaceeda, xaaladeeda caafimaad iyo wixii farriin ah ee uu ka gaadhsiin karo dawladda Ingiriiska iyo caalamkaba guud ahaan.

 

 Xildhibaanka oo furay mikrafoonka taleefankiisa marka uu codka Rachel maqlay ayaa wuxuu naxdin iyo anfariir ku riday dhammaan xildhibaanadii goobtaas xaadirka ku ahaa iyagoo aad uga murugooday baroorta iyo codka kala go’go’san ee ay ku hadlaysay Rachel oo la dareemayey inay tahay qof cabsi badan iyo walaac la gariiraysa. Waxay iyadoo barooranaysa oo ka jawaabaysa su’aasha uu xildhibaanku weydiiyay ee caafimadkeeda la xidhiidha u sheegtay  inaanay maskaxiyan fayoobayn oo ay taasina ugu wacantahay iyadoo odaygeedii la kala kaxeeyey oo aany war isu hayn. Waxay aad uga bariday xildhibaan Nacnac in marka hore ninkeeda meel la wada geeyo, marka ku xigtana dedaal loo sameeyo oo la gaadhsiiyo baaqooda dawladda Ingiriiska iyo dunidaba. Waxay iyadoo oohinta iyo hadalka isku daraysa ku baryootantay in loo dadaalo oo xorriyadoodii dib loogu soo cesho. Wuxuu xildhibaanku ka codsaday Cali Geedow in lamaanah la isu geeyo isaguna uu u dadaali doono hase ahaatee aanay isaga waxba gacanta ugu jirin.

 

20kii Febraayo, xildhibaan Nacnac wuxuu gaadhsiiyay farriintaas wakiilka safaaradda Ingiriiska u fadhiya magalada Hargeysa, Xasan Embassy. Waxa haddana xildhibaanka la soo hadlay budhcad badeedii oo rajaynaysay in xildhibaanku wax u soo dhammayn karo inkasta oo uu si cad ugu sheegay inaanu isagu wax lacag madax furasho ah oo uu u hayaa aanay jirin. Waxay budhcad badeedu u sheegeen subaxnimadaas inay isu geeyeen Rachel iyo Paul Chandler isagoo markaas xildhibaanku ku sugan xafiiska safaaradd Ingiriiska. Hase ahaatee waxay ku hanjabeen inay haddana kala kaxayn doonaan haddii ay jawaab waayaan. Xildhibaanku wuxuu u sheegay inuu isagu farriinta gudbin doono balse ay ku xidhantahay waxa ka soo yeedha dawladda Ingiriiska.

 

WARYA TV wuxuu soo ogaaday in e-mail loo diray safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia isla mar ahaantaana la wargeliyey siday wax u jiraan. Safaaradda ayaa la xidhiidhay xafiiska arrimaha debedda ee Ingiriiska balse illaa immika juuq iyo jaaq midna lagama hayo dawladda Ingiriiska oo siyaasaddeeda ku aaddan argagixisadu ay tahay inaanay la xaalin argagixisada.

 

Wargeyska toddobaadlaha ah ee carriga Ingiriiska ka soo baxa ee loo yaqaan The Observer ayaa kashifay in 21kii Nofeembar 2009 uu nin la yidhaahdo Nick Davies uu soo dhammeeyey inuu £100,000 ku soo furto lamaanahaas balse ay dawladda Ingiriisku si cad isu hortaagtay.

 

“Bilo ka hor ayaa la soo deyn lahaa lamaanahaas. Lacagtii waa la hayey, budhcad badeeduna diyaar bay u ahaayeen inay sii daayaan dadkaas, waxay ku sinayd soo deyntoodu batan la riixo oo keliya. Diyaar bay ahayd. Budhacad badeeduna ma doonayso inay sii haystaan dadkan waayo uma wanaagsana sii haysashadoodu” sidaa waxa Nick Davies oo ah guddoomiyaha ururka ka hortagga budhcad badeeda oo ah nin Ingiriis ah oo ku takhasusay sida loola gorgortamo argagixisada.

 

Budhcad badeeda ayaa kolba xidhiidh joogta ah haatan la soo samaysa xildhibaanka iyagoo raba inay ogaadaan bal in cid danaynaysa lamaanahaas ay jirto.

 

Xildhibaan Nacnac ayaa dhawr jeer u sheegay budhcad badeeda inay adagtahay siday madax furasho ku helaan waayo dawladdu ingiriisku way ka soo horjeedaa arrintaas sidaa awgeed wuxuu ka codsaday inay si bani-aadanimo leh ay u sii daayaan lamaanahaas. Budhcad badeeda ayaa caddeysay inaanay naxdintaasi iyaga ku jirin ee ay lacag rabaan, qarash badanna uu ka galay lamaanaha.

 

Inkastoo ay quus iska soo taageen xildhibaanka hadalada uu kula hadlay ee rajo beelka ah ayey haddana budhcad badeedu weli soo wacaan xildhibaanka illaa maantadan.

 

 

WARYA TV.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com