Mulkiilaha kooxda Chelsea Oo Dhexgalay Ashley Cole & Xaaskiisa

2010-03-04

Xidiga kooxda kubada cagta Chelsea isla markaana ka tirsan kooxda qaranka England Ashley Cole ayaa la filayaa in haatan uu dabacsanaan kala kulmo xaaskiisii dhawaan sheegtey inay doonayso furiin dhameystiran ka dib markii ay dhamaadkii hore shaacisay inay kala fogaanaayaan (separate).

Cheryl Cole oo ah gabar caan ka ah UK isla markaana heesaa ah waxaa lagu sheegay warar si hoose looga helay inay dabacsanaan u muujinayso ninkeeda markii shanaad khiyaanada ku sameeyey ka dib markii dhexdhexaadin xoogan ay galeen dad uu ka mid yahay ninka iska leh kooxda Chelsea kaasi oo la aaminsan yahay in uu ku soo calaalay Ciyaaryahan Cole oo haatan dhaawac ah.

Roman Abramovich mulkiilaha kooxda Chelsea waxaa la sheegay in uu ku mid yahay dad Ashley hooyadiis Sue iyo ciyaartoyada kooxda Chelsea ka mid yihiin oo marada dhexda u xirtay sidii ay u badbaadin lahaayeen guurka burburka qarka u saaran ee Cheryl & Ashley.

Bartimihii bishii aynu soo gudubnay ayaa soo shaac baxdey fadeexad hor leh oo galmo oo uu Ashley Cole uu la sameeyey sida ay sheegatey haweenay Mareykan ah, waxaana ay noqotey gabadhii shanaad oo qirata in afaaro uu ka dhaxeeyey ciyaaryahanka 200-ka kun ee doolar todobaad kasta ugu ciyaara kooxda Chelsea.

Jaraa’idka ka soo baxa magaalada London qaarkood waxay saaka qoreen warar si hoose looga helay Cheryl Cole oo ku aadan inay fursad siiso wadahadalka ninkeeda guurkoodu uu gabiga ka laadlaado, iyadoo warar aan si buuxda loo shaacin ay sheegayaan inay aqbashay inay ka laabato go’aanka furiinka isla markaana ay fursad kooban siiso Ashley Cole, tani oo ah tii ugu dambeysay, waxaana warku intaasi ku darayaa in hada Cheryl ay ogalaatey inay ka jawaabto telefoonka iyo fariimaha mobile-ka ee uga imaanaya ninkeeda dhulka ku jiiday markii shanaad.

Todobaadkii la soo dhaafay ciyaaryahan Cole oo haatan daaweyn caafimaad u jooga dalka Faransiiska ka dib markii jilibka ay waxyeelo ka soo gaartey wuxuu si aad ah ugu calaacalayey xaaskiisa inay la hadasho oo ay fursadii ugu dambeysay siiso guurkooda, isagoo xusey in uu ku sugan xaalad jahwareer ah.

Wareysi khaas ah oo uu siiyey wargeyska Daily Mail maalinimadii Axada wuuxuu ku sheegay Ashley Cole in uu ku sugan yahay xaalad halis ah hadii ay dhacdo in uu waayo xaaskiisa isagoo muujiyey in aanu cunto cunin, isla markaana si wanaagsan aanu u seexan.

Laba Todobaad ka hor markii ay soo baxdey qalbi jabka ku dhacay gabadha 26-ka jir ah ee caanka ah waxaa iyana la sheegay inay ka dhacdey 5 kiilo miisaankeeda, iyadoo la xaqiijiyey inay shaah oo kaliya uu ka dego.

Saaxiibada Ashley Cole ayaa war ay siiyeen jariirada the Sun waxay ku sheegeen in ciyaaryahanka 29-ka jir ah uu dhibaatada guurkiisa soo wajahdey uu dusha u saaray haweenayda 49 jirka ah ee dhashay xaaskiisa, waxaana warkaasi uu ku sheegay Ashley in lixdii bilood ee la soo dhaafay oo ay xaaskiisa hooyadeed la joogtey gurigooda 10-ka milyan ee doolar ku fadhiya aanay si wanaagsan xitaa sariirta isagu qancin, isagoo arimahaasi eedooda dusha u saarey sodohdiis.

Xaaska Ashley Cole waxaa arimaha la tusay ee la doonay in ay furiinka ka waabato ka mid ah in ciyaaryahanka isku kooxda Chelsea ka wada tirsan John Terry ay xaaskiisa Toni cafisay, iyado waliba 3 saacadood uu qaatey in uu soo caro celiyo ka dib markii ay caro u aaday magaalada Dubai, kulan dhashay maalinta jaceylka aduunka 14-ka February ayuu John Terry ku guuleystey in uu xaaskiisa qanciyo isla markaana uu raali galiyo falalkii gacma gacmaynta uu ku sameeyey gacalisdii hore ciyaaryahan Wayne Bridge oo ay horey isku koox aaheen.

Jaraa’idka Britain saacadihii ugu dambeeyey bogaga hore waxaa ka muuqdey sawirka ciyaaryahan Ashley Cole oo dar xumo ka muuqato, garkuna si xun ugu baxay, isla markaana ku taagan biraha dadka lugaha ka xanuusan caawiya.


Cheryl Cole waxay iska bixisay aneelihii ama faraantigii guurka ee 300-ka kun ee doolar ku fadhiya oo uu u galiyey ninkeeda qalbi jabka ku riday, waxaana horey ay u sheegtey inaanay dooneyn wax hanti ah oo ka hesho Ashley balse furiin uun ay doonayso, waxaase hada muuqata in ay go’aankaasi dib uga laabanayso, maadaama ay arinta soo dhex galeen dad badan oo iyada culeys saaran.

Si kastaba ha ahaateen hadii ay dhacdo inay aqbasho Cheryl Cole dhexdhexaadintan oo ay cafiso ninkeeda waxaa meesha ka baxaya warar la isla dhexmarayo oo ku aadan inay is gaad gaad isku hayeen iyada iyo 24-ka ciyaaraha dancing-ka ku dheereeya Derek Hough


WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com