Labo Wajiilanimada Dawladda Ingiriiska

2010-03-05

WARYA TV- Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo uu ku joojinayo waaran maxkamadeed oo loo soo jaray in lagu xidho saraakiil ka tirsan dawladda Israel oo ay ka mid yihiin Tzipi Livni, oo ahayd ra’iisul wasaarihii hore Israel iyo Ehud Barak oo ahaa wasiirkii difaaca markii Gaza lala simay dhulka ee gummaadka insiyaaniyadda ka baxsan ee sida mutawaxishnimada lah oola beegsaday carruurta iyo dumarka falastiinta.

Waarankaas maxkamadeed oo dhawaan loo soo jaray saraakiishaas ayaa kaliftay inay ka baaqdaan inay cago soo dhigtaan waddanka Ingiriiska illaa sharciga Ingiriiska ee qarniyada jiray ee ah inuu qof muwaadin caadi ahi waaran maxkamad ka soo qaadan karo maxkamadda hoose (magistrates court) oo denbi ku soo oogi karo kuwa lagu tuhunsanyahay inay gummaad geysteen, qofkaas oo hore lagi xidhi karo haddii uu cagaha soo dhigo ingiriiska. 

 

Qorshaha uu wado Gordon Brown ayaa ah in sharciga la beddelo in qofka muwaadinka ahi aanu waaran maxkamadda hoose ka soo qaadan karin oo aanu soo xidhin qof denbiile dagaal ama ku xadgudubyada sharciga caalamka geystay. Sharcigaas ayaa wuxuu noqon doonaa in awoodda laga qaado qofka muqwaadinka ah ee caadiga ah oo masuuliyadda awooddaas la siiyo maxkamadaha .

 

Isbeddelkan uu Gordon Brown ku tala jiro inuu si degdeg ah u fuliyo ayaa waxa ka danbeeya kuwa u ololeeya qaddiyadda dadka yuhuudda gaar ahaan waddanka Israel oo ay madaxdeedu denbiyo bani-aadamnimada ka baxsan ay had iyo jeer gacanta kula jiraan taas oo fududeynaysa marka sharciga la beddelo in iyaga oo aan cabsi qabin ay ka soo degi karaan garoomada dayuuradaha ee waddanka ingiriiska.

 

Hadda ka hor, Colin Powell, xoghayihii hore ee arrimaha debdedda ee waddanka maraykanka oo door weyn ka ciyaaray weerarkii Ciraaq lagu qaaday ayaa hadda ka hor la yaabay xorriyadda ingiriiska ka jirta ee ah in qof muwaadin ah oo caadi ahi uu waaran maxkamadeed u soo goosan karo inuu xidho nin madax ah oo lagu tuhunsanyahay inuu denbiile dagaal yahay oo uu gummaad geystay. Hase ahaatee, isaga cid u beddeshay ama soo hadal qaaday in sharciga loo beddelo Colin Powell may jirin hase ahaatee markii la isku dayey in la xidho Tzipi Livni iyo Ehud Barak haddii ingiriiska cagta ay soo dhigaan dawladda Israel qaylo badan ayey ka samaysay waxayna ku qasabtay ra’iisul wasaaraha ingiriiska in sharciga ingiriiska ee boqol sano in ka badan jiray la beddelo oo aanu qof muslin ahi denbi ku soo oogin denbiile dagaal oo yuhuudi ah isagoo adeegsanaya sharcigan ingiriiska ka jira.

 

Waxa soo shaac baxday in kuwa u ololeeya dawladda sahyuuniyadda ah ee Israel ee waddanka Ingiriiska ku dhaqan in ayba kaga xoog badanyihiin olalahoodu kuwa ka jira waddanka maraykanka.

 

Waxa caddaatay immika oo runtii horena loo ogaa inkastoo si hoose loo samayn jiray in gacan adag ay yuhuuddu ku hayaan madaxda ingiriiska taasoo muujinaysa heerka ay la gaadheen ee ah in ay sharciga u beddelaan madaxda Israel iyadoo weliba waqtigan xaadirka ah Warbixintii Goldsmith oo ah nin yuhuudi ahi uu denbiyo dagaal oo aad u culus uu ku soo oogay dalka Israel.

 

Foolxumada iyo bah dilaadda Gordon Brown ku dhacday ee ah inuu sharcigan uu beddelo madaxda dawlad shisheeya ayaa waxay muujinaysaa inaanu ka madax bannaanayn lacagta iyo taageerada yuhuudda Ingiriiska ku nool.

 

                                      Is-bar bar dhig

Bal haddaba waxaynu arrintan barbar dhigaynaa lamaanaha ingiriiska ee ay qafaasheen budhcabadeeda Soomaaliyeed dabayaaqadii sanadkii hore. Lamaanahaas oo xaaladooda caafimaad aad u liidato, dawladda ingiriisku way u juuqi weyday sababta oo ah dawladdu siyaasad ayey ka samysteen inaan argagixiso lala xaajoon oo aan marnaba lala hadal wax lacag ahna aan la siin. Waxaad ogaataa in arrintan aynu ka hadlaynaa ay tahay siyaasad balse aanay ahayn sharci waddanka u degsan sida ka xagga sare aynu kaga soo hadalnay.

 

Haddii uu Gordon Brown sharci waddanka u yaal  beddali karo miyaanu beddeli karin siyaasad ah inuu la hadlo argagixisada oo soo madax furto muwaadiniintiisa. Waxa halkan ka muuqata in dawladda ingiriisku ay diyaar u tahay inay marxabaysiiso dawladda Israel oo ay ka fadisho muwaadiniinteeda.

 

Halka uu Gordan Brown uu gacan ku dhiiglayaasha yuhuudda damacsan yahay inuu ka farxiyo, waxay dawladiisu si badheedh ah isu hortaagtay qorshe lagu damacsanaa in lamaanaha ingiriiska ah lagu soo madax furto oo uu kashifay wargeysaka toddobaadlaha ah ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska magaciisan la yidhaahdoThe Observer.

 

 

Diidamadan ayaa waxa udub dhexaad u ah wasiirka arrimaha debedda ee Ingiriiska, David Milliband, oo isag qudhiisa yuhuudi ah kuna adkaysatay oo yidhi, “Dawladdu lugaha la gali mayso madax furasho lacag la isweydaarsanayo oo lagu soo deynayo lamaanaha”. Markaad hadalkiisa eegto waxaad is-odhanayasaa danta dawladda Ingiriiska ayaan ku jirin in argagixisada aanay waxba is-weydaarsan.

 

David Milliband wuxuu ku doodayaa in haddii ay immika lacag ka bixiyaan lamaanahan la qabsaday in haddana haddii berrito la qabsado dad kale oo ingiriis ah inay budhcad badeedu ku gorgortamayaan in lacag la siiyo oo taasina ay dhiira gelinayso in Ingiriis fara badan la qafaasho. Hase ahaate isagana munaafaqadiisa waxay debedda u soo baxday ka dib markii ay caddaatay inuu baaq baryo ah u sameeyey Gilad Shalit oo ah askari yuhuudi ah oo gummaadka iyo gumeysiga lagu hayo dadka falastiinta ka qayb qaadan jiray oo ay afduubeen Xamaas dhawr sano ka hor illaa immikana ay haystaan.

 

David Milliband wuxuu baaqiisa ku nuuxnuuxsaday in si deg deg ah loo sii daayo Gilad Shalit. Baaqii uu Gilad Shalit u sameeyey oo WARYA TV soo heshay sidan  ayuu u qornaa:

 

“Maanta waa sannad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la fduubay Gilad Shalit. Wasiirada dawladda Ingiriiska iyo safiirka dawladda Ingiriiska ee u jooga Israel waxay xidhiidh joogta ah la lahaayeen muudadba qoyska uu ka dhashay Gilad waxaanay u muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin in la sii daayo Gilad Shalit. Sannadkii la soo dhaafay, safiirka ingiriisku wuxuu gaadhsiiyay qoyska Gilad 2,000 oo kaadh in ka badan oo ka kala yimi dawladda Ingiriiska kuna saabsan sannadka cusub ee yuhuudda oo Gilad loogu tala galay. Waxaanu doonaynaa si nabad leh loo soo daayo Gilad Shalit. Waxaanu la wadaagnaa qoyska uu ka dhashay Gilad arrinta la yaabka leh ee ah in loo diiday in hay’adda bisha cas inay soo booqato oo xaaladiisa caafimaad soo eegto.”

 

Waxa wax aad loola yaabo ah sida David Miiliband uu baaqa ugu sameynayo qof shisheeya ah inkastoo ay dhiiga yuhuudinimo ay wadaagaan isla mar ahaantaan dadkii ingiriiska ahaa ee uu isagu masuulka ka ahaa dhegaha ugu furaystay.

 

David Milliband, oo ah wasiirka arrimaha debedda ee Ingiriiska, wuxuu ka mid yahay qoraayada dacaayadda Israel u sameeya (Israeli Hasbara) oo magaciisu uu ku yaallo bogga dawladda Israel ee rasmiga ah. Waxa uu aaminsanyahay hadalka uu yidhi sheekhyadooda mid ka mid ah kuwa ugu weyn oo la yidhaahdo Rabbi Akiva, oo yidhi, “Naftaada waxaad la jeceshahay la jeclaw walaalkaaga yuhuudiga ah”.

 

Waxa cad halkan dadka Soomaliyeed meel kasta oo ay ka soo jeedaan inay uga naxariis badan yihiin in lamaanahaas la soo daayo halka dawladdan Ingiriisku u kala dheeranayso inay marxbaysiiyaan yuhuudda oo lacagtooda iyo taageeradooda siyaasadeed ay u baahan yihiin gaar ahaan iyadoo immika doorasho cusubi ku soo fool leedahay Gordon Brown oo saadaasha inuu heli karo doorashadaas ay aad u hoosayso. 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com