Qiso Cajiib Leh oo Dhex Martay Alle Iyo Addoon
2010-03-05
Jibril
(calayhi-as-Salam) ayaa Nabiga (NNKH) u sheegay qiso cajiib ah. Jibril
wuxuu yiri waxaa jiray nin Ilaahay (sw) caabudayay 500 oo sano oo isku
xigta. Wuxuu ku noolaa buur korkeeda, buurtaasna waxaa hareereeyay bad
weyn oo dhanaan ah, hase ahaatee Eebe weyne ayaa buurta korkeeda u
keenay il biyo macaan ah, taas oo uu ka cabi jiray, una isticmaali
jiray wayso. Waxaa sidoo kale la siin jiray miraha geedka Rumaanka ah
(pomegranate) oo buurta dusheeda ka bixi jiray

Maalin maal-maha
ka mid ah ayaa isagoo duceysanaya ayaa wuxuu Ilaahay (sw) ka baryay
inuu geerida u keeno isaga oo sujuudsan. Eebe weyne wuu ka aqbalay oo
waxaa la oofsaday isago oo sujuudsan. Jibril (as) wuxuu yiri Maalinta
Qiyaamo Ilaahay (sw) wuxuu amri Malaa’igta inay ninkaasi Jannada ku
geeyaan Raxmaddiisa darteeda. Hase yeeshee ninkaasi ayaa dalban doono
in Jannada lagu geeyo camalka uu shaqaystay darteed.
Kadib ayuu Ilaahay (sw) amri doonaa Malaa’igta inay is barbar dhigaan camalkiisa iyo nicmooyinkii Ilaahay (sw) ugu deeqay.
Markaas
ayaa waxaa cadaan doonto in cibaadadiisii 500 oo sano ahayd aysan xataa
u dhigmin nimcada isha wax lagu arko ee la siiyay. Markaas ayaa
Malaa’igta la amray inay ninkaasi u ka xeeyaan dhanka naarta. aad iyo
aad ayuu ninkii u qeyliyay isagoo Allaah ka dalbaday “Allow
Naxariistaada igu geli Janada”.
Dabadeed hadalkaan ayaa dhex maray Allaah iyo addoonkii.
Eebe Weyne: Adoonkeygiyow yaa ku abuuray?
Adoonkii: Eebe Weynow adaa i abuuray.
Eebe Weyne: Ma waxaa laguu abuuray camalkaada wanaagsan dartiisa mise Raxmadayda darteed?
Adoonkii: Raxmadaada darteed Eebe Weynow.
Eebe Weyne: Yaa ku siiyay 500 00 sano ood Ilaahay (sw) ku caabudo?
Adoonkii: Eebe Weynow adigaa ayaa awoodaas i siiyay.
Eebe
Weyne: Yaa ku kor-geeyay buurtii badda ku wareegsaneyd? Yaa kuu suura
galiyay in il biyo macaan ah oo soo dhex maraan baddaas oo aad ka
cabto? Yaa ku siiyay geed Rumaan ah oo buurta kaaga kor baxo? Yaa ku
oofsaday adiga oo sujuudsan kaana aqbalay ducadaadii?
Adoonkii: Ya Razzaq, Eebe Weynow waa adiga.
Eebe
Weyne: Hadaba waxan oo dhan waxay ku dhaceen naxariistayda darteed
maantana waxaad Jannada ku gali naxariistayda darteed oo kaliya.
Fiiro:
Ilaahay (sw) naxariistiisa iyo galadaha uu na siiyay ayaa marwalbo ka
badan wax walbo oo kale. Xaq aan ku leenahay markaan waajibaadkiisa
gudannana ma jirto maadaamo inta uu na siiyay oo ka mid yihiin adimaha
aan cibaadada ku gudanayno uu isaga na siiyay.
WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)