Burcad Badeed Afduubtay Markab Shidaal Oo Laga Leeyahay Norway.

2010-03-06

 Kooxaha Burcad Badeeda Soomalaida ah ee ka qowlaysta Biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan ayaa Jimcihii Shalay ayaa gacanta ku dhigay Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Norway kuna gooshayay Calanka Marshal Island.

Markabkaan ayaa Shidaal ka soo qaaday isu taga Imaaraadka Carabta asagoona xilli uu u soo waday Tanzania Kooxaha Burcada ahi ku afduubteen Badweynta India.

Xiriirkii u dambeeyay ee Markabka ayaa la waayay Jimcihii waxaana saarnaa sida la sheegay 21 Shaqaale.

Afduubka Markabkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay sare u kacayeen Weeraradda ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah ayna ka dhawaajiyeen inay sii wadi doonaan.

Isku soo wada duuboo Kooxaha Burcada ah ayaa dhawaan Gacanta ku dhigay sidoo kale Markab Shidaal kaasoo laga layeeyahay Boqortooyadda Sacuudiga balse aanan waxba sidin xilliga burcadu gacanta ku dhigayeen.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com