Burcad Badeed Weerar Aheyd Oo Gacan Gashay.

2010-03-06

 Kooxo Burcad Badeed Soomaaliya ayaa u Gacan galay Ciidamadda Baddan Fransiiska xilli ay Weerar ku ahaayeen Markab Xamuul ah oo Amar La'aan marayay Biyaha Soomaaliya iyo Dooni Kaluumaysi oo si sharci daro ah uga kaluumaysanaysa Biyaha Soomaaliya.



Ciidamadda Fransiiska ayaa la tilmaamay inay Fariin adag ka heleen Markab ay leeyihiin iyo mid laga leeyahay Spain xilli ay baacsi Balaaran ku hayeen Kooxo Burcad Badeed Soomaaliya.

Burcadda ayaa la siiyay Digniin Xoogan iyadoona Markabka EU-da ee ku sugan Badweynta India ay ka soo kicitimeen Diyaaradaha Helicopter-ka loo yaqaano,kuwaaasoo ku amray Burcada inay hubka dhigaan gacmahana kor u taagaan.



Talaabadaan lagu qab qabtay Burcad Badeeda ayaa ku soo aadaysa xilli Ciidamadda ku sugan Badda ay sheegeen inay talaabo adag ay ku soo afmeeraan Burcad Badeeda qaadayaan.



Isku soo wada duuboo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah ayaa Maalmahaan aad u kordhiyay Weeraradda ay ku qaadayaan Maraakiibta adeegsanaysa Biyaha Soomaaliya ka baxsan.



WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com