Ciidamadda US Oo Ka Qayb Noqonaya Weeraro Dhawaan Lagu Qaadayo Fariisimadda AL-Shabaab.

2010-03-06

Ciidamadda Xoogaga Dalka Maraykanka ayaa ka qayb qaadandoona Weerar ay Ciidamadda Militariga Dowladda KMG ku qaadi doonaan Fariisimadda Xoogaga ka hubaysani ay ku suganyihiin sida uu Wargays-ka The New York Times Sabtida Maanta ah ka sheegay Taliyaha Militariga DKMG Gen: Maxamed Geele Kaahiye.

Ciidamadda Dowladda oo Gacan Buuxda ka helaya Diyaaradaha Dagaalka US iyo Ciidamadamadooda ayaa la filayaa Maalmaha soo socda inay Weeraraan Fariisimaha Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ay ku leeyihiin Dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa Maalin walba waxaa ka socda Dagaalo aan dhamaad laheyn oo u dhexeeya Ciidamadda Dowladda oo Garab ka helaya kuwa AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya,iyadoona ay ku Nafwaayeen Kumanaan Shacab ah halka 1.5 Milyan oo ruuxna ay ku bara kaceen.

Ciidamadda Maraykanka ayaa Shaki ku jiraan inay Cagta Soo dhigayaan Dalka Soomaaliya iyo inay Weeraro ay fulin doonaan oo kaliya Diyaaradahooda.

Sanadkii 1993- October ayaa Dalka Soomaaliya lagu dilay 18 Ciidamadda US ah kuwaasoo Meydadoodkooda lagu jiid jiiday Magaaladda Muqdisho waxaana Calaamatu Su'aal ka saarantahay inay Ciidda Soomaaliya Cagta Dhigaan.

WaryaTv Muqdisho-Somalia.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com