Anigu Habaryoonis Waxba Kamaan Sheegin Igamana Suurtowdo
2010-03-06
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay inuu aflagaadeeay Beelaha Habaryoonis iyo madax dhaqameedkooda
Md
Faysal Cali Waraabe, oo xalay Saxaafada hadal-kooban-siiyay waxa uu si
kulul u beeniyay warbixno uu sheegay inay faafiyeen xisbiga UDUB ee
xukuumiga ah iyo barta Internetka ee Qaran News oo uu ku eedeeyay inay
xisbiga UDUB u adeegto. “Beryahan dambe Xisiga UDUB iyo barta
Internetka ee Qaran News oo u adeegtaa waxay faafiyeen warar been abuur
iyo dacaayad ah oo ku saabsan xisbiga UCID.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu
intaas raaciyay, “Warkaas waxa la faafiyay markii la arkay taageerada
ay shacabku u hayaan xisbiga UCID, wararkaas waxa ka mid ah war been
abuur ah oo sheegayay inaan anigu [Faysal] wax ka sheegay beelaha
Habaryoonis oo aan ixtiraam miisaan leh u hayo. Maqaaladaas oo ah kuwo
been abuur ah, ma jirto meel iyo goob aan hadaladaas ka idhi iyo meel
la igaga soo xigtay toona, ciddii maqaaladaas magaceeda lagu saxeexayna
waxa la ogaaday inay been abuur ahaayeen oo aanay jirin.”
Faysal,
waxa uu sheegay inuu hore ugu balan qaaday inuu wax ka qaban doono
jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, “Sannadkii
1998-kii mar aan Ceerigaabo tagay waxaan Alle ka baryay inaanu I dilin
ilaa aan jidkaas dhiso, inshaalah waanan dhisi doonaa. Sidaas daraadeed
waxaan beelaha habaryoonis u sheegayaa inuu warkaasi been abuur yahay
oo aanu jirin warkaas layga faafiyay ee lagu sheegay inaan wax ka
sheegay Beelahaas. Mana ah wax iga suurtooba, waanan ka raali gelinayaa
cid kasta oo uu warkaas khaldani gaadhay, waana dacaayad ay faafiyeen
xisbiga UDUB iyo cid kasta oo u shaqaysaa”
Waxa uu Faysal,
hadalkiisa ku soo koobay, “Anigu Habaryoonis waxba kama sheegin,
igamana suurtoowdo, mana ihi nin wax u diidan, xaal baanan ka siinayaa
hadaladaas been abuurka ah ee la faafiyay, waxaana ka dambeeya xisbiga
UDUB oo doonaya inuu kala dilo xisbiga UCID iyo beelahaas oo laf dhabar
u ah xisbiga.” ayuu yidhi Faysal
WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)