GUULDARADII ISLAAXA SOMALILAND
Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako xisbi ah oo la asaasay 11 Luulyo 1978 oo waafaqsan 6 Shacban 1398H; waxayna salka ku haysaa fikirkii iyo manhajkii Xarakada alnahda ee takfiirka ahayd taasina waxay ku xidhnayd xarakadii ikhwaanul muslimiinka ee la asaasay 1928dii. Xarakadu waxay ka shaqaysaa kor u qaadista ku dhaqanka manhajkaasi ikhwaanka; ee qofka, qoyska iyo bulshadaba, iyadoo laga ambaqaadayo fahamkii xasan albanah ee suufiyada iyo xagjirnimada ku dhisan. Waxaa kale oo xarakadu ka shaqaysaa sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad mid ah leh oo ay iyagu hogaanka u qabtaan ahna mid horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da Islaax sida shuurada, , sinnaanta iyo karaameynta insaanka iyo dhowrista xuquuqdiisa. Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel islaaxu xoog ay ku leeyihiin oo ka fog qulqulatooyinka iyo dacwadaha salafida iyo ictisaamka in laga hortego sababaha keeni kara arimahaas Waxaa kale oo Xarakadu ka shaqaynaysaa in la xoojiyo xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya islaax iyo dunida Carabta, Islaamka iyo Afrika. Ugu dambeyntii, Xarakadu waxay kaalin ka qaadanaysaa sidii loo heli lahaa duni is aaminsan manhajka islaaxa oo doorashooyinka kaga qayb gala magaca islaaxa hadaynu soo qaadano raga aas aasay xarakadan waxa aynu arki karnaa cida ay yihiin iyo aqoontooda diineed halka ay gaadhsiisantahay iyo waxay rabaan marka hore waxaan rabaa in aan soo qaado taariikhda ninkii aas aasay ninkaasi waxaa la yidhaahdaa magaciisa oo sedexan
Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare>waa aabaha iyo ninka ay maskaxdiisa ka soo burqatay magaca islaax Soomaliya hadana ku nool Canada Waxa uu aasaasay Ururka Al islaax sanadku markuu ahaa 1978 bishii todabaad waxa uu safar ku tagay wadanka sucuudiga sanadku markuu ahaa 1955tii waxa ay sii mareen Magaalada Hargaysa isla maalintaasina waxa ay uuga sii gudbeen Barbara , Waxaa lagu soo dhaweeyay Naadigii Leegada waxa ay isla markiiba ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Yaman waxa ay gaareen Sanco
Sh Maxamed Axmed Nuur Cumar Garyare waxa uu gaaray Magaalada Madiina uu ka galay Jaamacda Madiina waxa uu ahaa qofkii uugu horeeyay ee Soomaliyeed ee ka baxay Jaamacadaas
Waxa uu isla markiiba ku soo laabtay Sheekha Magaalada Muqdisho waxa uu shaqo ka bilaabay wasaarada Cadaalada iyo shu,uunta
Sheekha ayaa waxa uu ka hadlay taariikhdii Soomaliya iyo midii kacaanka ee uu Hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare waxa uu Sheekha si dheer uuga hadlay Afganbigii ka dhacay Dalka Soomaliya 1969kii Waxa uu sh Garyare uu ka warbixiyay inqilaabkii ka dib
Waxa uu xusay Sh Maxamed Axmed Nuur Cumar garyare subaxdii uu dhacayay inqilaabkii 1969 uu xiligaasi uu gurigiisa ku sugnaa isaga iyo Niman ay asxaab yihiin waxa ay is tuseen in ay jirto mushkilo , waxa ay istuseen in hadii uu inqilaabka uu dhaco ay soomali u dhamaatay
Culimada xiligaas ay isla joogeen gurigiisa waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Sh Cabdi Qani Sh Axmed, Cabdullahi Maxamed Cabdi Raxmaan , Cabdi Raxmaan Faarax Ismaaciil iyo kooxo kale oo fara badan waxa ay kala tageen habeen barkii , isla subaxdiiba waxaa wadanka la wareegay Kacaankii.
Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) ,Sh Cabdi Qani Sh Axmed, Cabdullahi Maxamed Cabdi Raxmaan , Cabdi Raxmaan Faarax Ismaaciil waxa ay habeenkaa is tuseen hadii uu wadanka u galo gacanta Nimankan uu Hogaaminayo Maxamed Siyaad Bare in uu Wadanka u dhamaaday iyadoo taa ay daliil ay uuga dhigeen in fikirka ay aaminsanaayeen kooxda uu hogaaminayay Maxamed Siyaad bare in ay tahay Shuuciyad oo aynan shaqo ku la hayin qaranimo taasina waxay meesha ka saartay manhajkii ay wadeen oo ahaa islaax in uu somaliya gabigeedaba qabsado oo ay ka dhigaan meel ikhwaanka dawliga ah u ah saldhiga taasina way ku fashilmeen sida uu sheekhu sheegayo laakiinse waxaa jirtay in ay ujeedooyin kale ka lahaayeen somaliya markii arinkaasi fashilmay
Ujeedooyinkii cusbaa ee islaaxu fashilkii hore ka dib
Ujeedooyinkii cusbaa ee Xarakada Islaax, kana shaqaynayso hirgelinteedu waxay ahayd : In la tarbiyeeyo qofka, qoyska iyo bulshada, lana kobciyo habdhaqanka waafaqsan nidaamka xarakada ay dagsatay bulshadana la gaarsiiyo nidaam dawladeed ka dhigta Islaamka marjaciyo lama gudbaan ah. In la horumariyo bulshada dhan kasta, gaar ahaan in laga hortago jahliga, mudnaanta koowaadna la siiyo waxbarashada iyo barbaarinta. In la taageero hay`adaha caalamiga ah si ay dadka u caawiyaan arinkaasina si uu ugu hirgalo waxay xarakadu gacanta ku dhigta bangigii islaamka waxayna goaan ku gaadheen in la sameyo Barbaarin joogto ah oo lagu kobciyo habdhaqanka Islaamka iyo dhawridda waxyaabaha lama taabtaanka ah ee dalkeenna.gaarka u ah. Fidinta iyo koruqaadista dacwada Islaamka iyada oo la adeegsanayo goobaha kala duwan sida masaajiddada, dugsiyada Qur’aanka, munaasabooyinka iyo qalabka warbaahinta. Ka qayb qaadashada hawlaha siyaasadeed iyo saamaynta go`aannada dalka, si ku salaysan nabadgelyo una adeegaysa danta guud ee dalka iyo dadka. Adeegsiga wadahadalka iyo wada xaajoodka si loo gaaro isfaham iyo xalinta khilaafaadka. Kobcinta iskaashiga iyo iskuduubnida bulshada, iyo in la ciribtiro dhaqamada dhaawici kara arintan sida: faquuqidda, fogeynta iyo is-xaqiridda. Adeegsiga qaababka culeysaarka iyo u doodidda waxyaabaha loo arko danta dalka iyo diinta.
Midnimadu
bulshada waxay lama huraan u tahay wadanoolaanshaha iyo horumarka.
Sidaas darteed waa in laga wada shaqeeyo ilaalinta midnimada ummadda
iyo kobcinteeda. Waa in la abuuraa lana dhiirrigeliyaa waxyaabaha
midnimada kobcinaya, sida: isjacaylka, iskaalmaynta, iskaashiga
bulshada dhexdeeda ah. Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kalaqaybinaya
bulshada, burburinna kara midnimadeeda, sida qabyaaladda, eexda iwm.
Waxaa lagama maarmaan ah in laga hortago lalana dagaallamo waxyaabahaas
dhaawacaya midnimada iyo wadajirka bulshada. Haddaba Islaax waxay
rumaysantahay, kana shaqaynaysaa ilaalinta iyo kobcinta midnimada iyo
wadajirka bulshada, iyadoo la dhiirigelinayo waxyaabaha kor u qaadaya.
Sidoo kale, waxay ka shaqeynaysaa in laga hortago waxyaabaha dhaawixi
kara midnimada, wadajirka iyo wadanoolaanshaha bulshada.taasi waa
go’aanadii ka soo baxay xarakada islaax laakiins soomaalid waxay
tidhaahdaa
Haddaba annagoo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas dalka soo martay iyo kuwa caalamiga ahba; kana ambaqaadayna fahamka saxda ah ee Islaamka, ayaannu waxaan u aragnaa dhinac kasta oo raba inuu adeegsado xoog si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed in uu sii dheeraynayo dhaawaca shacabka dhibaataysan, burbur maahane faa`iido waartana ka soo hoynayn. Waxaa inna soo maray muddo dheer oo aan dhadhaminay in nagu filan oo ah: xoog isu adeegsi, kalitalisnimo iyo ku dhaqanka hababka ku dhisan fogaynta, liididda & kugaboodfalka xuquuqda dadka kale ilaa aan ka waynay qaranimadeenii, dibna u dhacnay. Waa waayo-argnimo qaraar oo inna tusinaysa dhibaatada ay leedahay xoog isu-adeegsiga Soomaalida dhexdeeda ah. Waayo-aragnimadani waxay ina xasuusinaysaa sida xooggan ee Diinta Islaamku innooga digtay dagaalada fitnada ah ee bulshada dhexdeeda. Sidaas darteed, Islaax way diidan tahay, in xoog hubaysan Soomaalidu isu adeegsato si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed.
6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta si loo gaaro isbedel waara
Isbeddelka loo baahanyahay ee la tiigsanayo, waa isbeddel ka bilaabanaya dhisidda iyo barbaarinta qofka, kadibna u gudbaya bulshada iyadoo loo marayo dadaallo xoogan oo taxane ah si loo abuuro bulsho ku toosan manhajka Alle S.W. Isbeddelkani waa inuu gaaraa dawladda hay’adaheeda iyo waaxyaheeda kala duwan. Hawshani waxay u baahantahay in la isu geeyo dadaallo badan, la isuna duwo qaybaha kala duwan ee ummadda iyo awoodahooda si loo gaaro ujeeddooyinkaas gogolxaarka u noqonaya helidda nabadgelyo, xasilooni iyo baraare, daawaynana dhaawacyadii dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay reebeen. Xarakada Islaax kolkii ay soo if baxday 1978 waxay ku saleysay barnaamijyadeeda, siyaasadaheeda iyo aragtiyadaheedaba hababka degan ee ku dhisan isqancinta iyo wadahadalka, haba kala fogaadeen aragtiyada iyo afkaarta la kala qabo e.
7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo faragelin Soomaaliya ku sameeya
Laga bilaabo dabayaaqadii toddobaatameeyadii ee qarnigii tagay ayay samaysmeen jabhado Soomaaliyeed oo hubaysan oo mucaarad ah, waxayna gacan weydiisteen dawlado shisheeye oo qaarkood cadawga soomaaliyeed ahaayeen, si ay uga helaan kaalmo dhaqaale, hub & mid siyaasadeedba . Ridistii dowladda dhexe ka dib, waxay bilaabeen kooxaha Soomaaliyeed in koox kastaa garabsato awood shisheeye si ay uga adkaato dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is hayaan. Waxaana tobaneeyo jeer isbadalay hadba dhinaca la safan cadawga, waxaad arkaysaa koox la safan cadawga, muddo yar dabadeedna ka so horjeeda. Mar labaad ama saddexaad, ama afaraadna ku noqonaysa meeshii hore. Habkanina waa mid ku soo noqnoqda hadba kolkii shucuubtu daciifto oo ay waydo awoodeeda dhabta ah. Cadaw la garabsadaana waa danbi aan la dhaafi karin, waana khiyaano & dayacaad la dayaco dalka, dhinacna libintu ku raaci mayso garabsigaas. Dhinacyadan Soomaaliyeed ee kaashanaya awoodda dalalka dibaddu marna guul ku gaari maayaan, dalkooda iyo dadkoodana dhibaato hor leh ayay u sii gaysanayaan, qaranimadii Soomaaliyana way sii wiiqmaysaa. Haddaba, waa in dhammaan laga waantoobaa in la kaashado awoodda dalalka shisheeye si looga adkaado dhinaca kale ee Soomaaliyeed, taas oo faragelin ku ah arrimaha dalka, isla markaasna waan sii wada doonaa maqaalo kale oo ka hadlaya fashilka ikhwaanka my phone is
002522- 4020198
HAKIIMULAAH

JASIIRA









