Xasan Turki Seedigiis buu ka xishoon waayey ee sidee buu nooga xishoonayaa anaga
2010-03-06
Hogaamiyaha
ururka Xisbul Islaam ayaa waxa uu Afka ka weeraray ururka ALshabaab
gaar ahana hogaamiye ku xigeenkiisii hore ee Sheekh xasan Cabdalla
(Xasan turki).

Xasan Daahir Aweys wuxuu sheegey in ururka
Alshabaab ay ku tunteen heshiis u dhexeeyey iyaga &Xisbigiisa oo
qodabadiisa ay kamid ahaayeen in aanan lakala ka xaysan ciidamada
&Saraakiisha,sidoo kalena wuxuu sheegay inay ku tunteen
saaxiibtinimadii &heshiiskii kala dhexeeyey oo aysan diyaar u ahayn
jihaad sax ah.
Hogaamiyaha Xisbul Islaam wuxuu Canbaareeyey
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Turki oo ku
biiray ururka Alshabaab wuxuuna intaas ku daray in Xasan Turki kamid
ahaa dadkii aas aasay Xisbul Islaam isaga oo aanan u sheegina uu ka
goostay.
"Xasan Turki isagaa aas aasay Xisbul Islaam,siduu madax
noogu ahaana waxaanu Saxaafada ka maqal nay inuu Alshabaab ku biiray
taasi maaha Mas'uulnimo ee waa kherul Mas'uulnimo loomana baahna haduu
ka baxayo annagu maana hor istaagin ee isagaa sidiisa u
cararayey"Ayuuyiri Xasan Daahir Aweys oo caro hadalkiisa laga
dheehanayey.
Xasan Daahir wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday
Dagaaladii dhawaan ka dhacay jubooyinka,wuxuuna sheegay in Sheekh Axmed
Madoobe uu kamid yahay Xisbigiisa uusanna ka bixin,wuxuuna difaacay
Dagaalada uu Alshabaab kula jiro oo uu ku tilmaamay kuwo is difaacid ah.
"Dagaalada
uu Axmed Madoobe ku jira waa sax waana taageersanahay,waayo Alshabaab
anaga ayaa Kismaayo la qabanay,markii danbena dhaqaalo ayagoo fiiranaya
bay keeneen inay Hogaamiye yaasheena la dagaalamaan,marka taasi waa
Fitno yar oo iska jidha oo ay wadaan"Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.
Gaba
gabadii hadalka Xasan Daahir Aweys oo u badnaa Qeylo dhaan &Canaan
uu Alshabaab u jeedinayo wuxuu si toos ah u cadeeyey in xididtinimo ay
ka dhaxayso Xasan Turki & Sheekh Axmed Madoobe,"Xasan Turki Sheekh
Axmed Madoobe seedigiis weeye wuuna ka xishoon waayey anaga marka
nagama uu xishoonayo"Ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey hogaamiyaha
ururka Xisbul Islaam oo aad mooda inuu markan qeylo u diray Alshabaab
oo Awood ahaan &ciidan ahaanba ka badan yihiin Xisbigiisa.
WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)