Qarax Caawa Ka Dhacay M/Bosaso
 Qarax xoogan ayaa Caawa ka dhacay Magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari sida Dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lagana wada Maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladda Bosaso ayaa lala beegsaday Saldhig ay Ciidamadda Puntland ay ku lahaayeen Magaaladda Bosaso.
Macadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxa iyo Cidda ka dambaysayba waxaana haatan Amaanka goobta Qaraxu ka dhacay la wareegay Ciidamadda Gobalka Bari.
Goob jooge ku sugan goobta Qaraxau ka dhacay ayaa sheegay innuu arkayay labo askari oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka.
Isku soo wada duuboo Qarxaan Caawa ka dhacay Magaaladda Bosaso ayaa ku soo beegmaya xilli Magaaladda ay Maanta la wareegeen Maamul Cusub oo dhawaan loo Magacaabay.
WaryaTv Bosaso-Somalia









