Dowladda KMG Oo Mar Kale Jeedisay Hanjabaad Dagaal.

2010-03-07

 Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay Weerarayaan Xoogaga ka soo horjeeda si ay ula wareegaan Amaanka Guud ahaan Magaaladda Muqdisho ayna gurmad Caawimaad u gaarsiiyaan Dadka ku dhibaataysan gudaha Xamar.

Wasiirka Arrimaha gudaha Dowladda KMG ah Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo shalay Gabal dhicii Shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in DKMG ay diyaarisay Qorshe ay kula wareegayso taladda Dalka.

Waxaa ii intaas ku daray in Dowladdu ay diyaarisay Ciidamadda Militariga iyo kuwa Booliiska oo taba bar buuxa haysta si ay ula wareegaan guud ahaan Dalka.

"Ciidanka Dowladdu waxay la wareegi doonaan guud ahaan Gobolada Koonfureed ee Dalka, waxayna Diyaar u yihiin inay soo celiyaan Amaanka iyo kala Dambeynta" ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar Wasiirka Arrimaha gudaha Dowladda KMG ah.

Hadlaakaan ka soo yeeray Dowladda KMG ayaa ku soo aadaya xilli Xukumadda Warshinton ay shaaca ka qaaday in Diyaaradaheedu Dagaalku ay ka qayb qaadan doonaan Dagaal dhawaan Dowladdu ay ku qaadayso Fariisimadda Mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda KMG ah ayaa inta badan hanjabaadaha nuucaan ah waxa ay ka jeedisaa saxaafadda, iyadoona weli aysan jirin talaabo cad oo ay Dowladdu qaaday.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com