Doorashooyinka Baarlamaanka Ciraaq Oo Bilowday Iyo Qaraxyo Ruxay Baqdaad.

2010-03-07

In ka baddan 18 Milyan oo qof ayaa Maanta u dareeray 50,000 xarumood si ay ugu codeeyaan Mudanayaasha Baarlamaanka Ciraaq.

Amaanka Magaaladda Baqdaad gaar ahaana Goobaha Sanaadiiqda Codbixintu yaaliin ayaa waxaa aad u sugaya Amaankooda Ciidamadda Isbahaysiga iyo kuwa Ciraaq.

Doorashooyinka ayaa lagu bilaabay qaraxyo xoogan oo Dad badani ay ku Nafwaayeen iyadoona goobaha Qaraxyadda Silsiladaha ah lagu weerarayna ay ka midtahay Khadka Cagaaran oo ah goob si aad ah loo ilaaliyo.

Taleefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in ku dhawaad 12 ruux ay ku Nafwaayeen halka tiro intaas ka badana dhaawacyo kala gadisan ay ka soo gaareen.

Sikastaba ha ahaatee Baarnalaanka la dooranayo ee Ciraaq ayaa waxaa u ooli doonta Shaqo adag oo ku aadan Siyaasadda Xalka u baahan ee ka taagan Dalkaas.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com