Xaflad Aroos Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Dhamaatay.
Wararka naga soo gaaray Dalka Tanzania ayaa sheegaya in Xaflad Aroos oo aad loo soo agaasimay ayna Ciyaar iyo Daawasho u yimaadeen Boqlaal Dad ah oo isugu jiray Qaraabadda Caruuska iyo Caruusadda iyo Dadka Dariska ah ayaa ku dhamaatay Dhimasho iyo Dhaawac markii 20-Gaangiistar ay Rasaas ooda uga qaadeen goobtii Xafladdu ka socotay.
Dhacdadaan oo dahcday Habaynkii Khamiista ayaa ka dhacday Degaanka Tarime oo dhacaWaqooyiga Tanzaniya sida Sabtidii ay sheegeen Wakaaladaha Wararka ee Dalkaas.
Inta la ogyahay waxaa dhimatay 5-ruux halka 6-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen.
Caruuska iyo Caruusadda ayaa ka mid noqday Dadkii ku dhaawacmay dhacdada oo loola cararay Isbitaalka Degaanka ee Tarime Hospital.
Ilaa hadda ma jidho cid dusha laga saaray falkaan lagu weeraray Xafladda Arooska iyo cid loo qabtay intaba waxaase wali socda baaritaano ay wadaan Ciidamadda Booliiska.
Isku soo wada duuboo dhacdooyinka Ceynkaan oo kalaa ayaa ah kuwo baryihii dambe ku soo badanaya Degaano baddan oo ku yaala Dalka Tanzania.
WaryaTv Dar es Salaam-Tanzania









