Madaxweyne Shariif Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Muqdisho Ka Dhoofay.

2010-03-07

 Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh iyo Wafdi u Hogaaminayo ayaa goor dhaweyd ka duulay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Mas'uuliyiin ku sugan Villa Soomaaliya oo Safarka Madaxweynaha uga Warbixiyay WaryaTv.com ayaa sheegay innuu Madaxweynuhu ku wajahanyahay Magaaladda London ee Caasimadda Dalka Ingriis-ka asagoona ku sii hakan doona Magaaladda Nairobi.

Madaxweyne Shariif ayaa Casuumad ka helay Mas'uuliyiinta Dalka Ingriis-ka asagoona markuu halkaa gaaro kulamo la qaadan doona Madax uu ugu horeeyo R/wasaaraha Dalkaas Gordon Brown.

Sikastaba ha ahaatee Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid horay loo shaaciyay iyadoona uu ku soo aadayo xilli Dhulka Soomaaliya wali lagu haysto Muwaadiniint British ah.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com