Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Guddo Galay Kal Fadhigii 11-Aad Iyo Fasaxii 2-da Bilood Ahaa Oo U Dhamaaday

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-07

Hargeysa (Waryatv.com), Golaha wakiilada Somaliland oo maanta dib u guda galay hawlahoodii shaqo, kadib markii ay mudo laba bilooda fasax ku kala maqnaayeen.

Kal fadhiga maanta waxaa guddoominaayey guddoomiyaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana lagu qaybiyey afar ajaande oo golaha maanta la soo hor dhigay, ajadayaashaas ayaa waxaa loo qaybiyey guud ahaan intii fadhiday kal fadhigii maanta.

Qodobada sida weyn looga doodi doono maal maha soo socda ee loo qaybiyey mudanayaasha ayaa waxaa ka mida xeerka miisaaniyada oo hore muran adagi ka taagnaa in  mudo ah, sidoo kale xeerka maanta la qaybiyey waxaa ka mida ahaa xeerka Biyaha, xeerka guddiyada Golaha iyo qodobo kale.

Maalinta bari ah ayaa dib loogu balay sidii looga doodi lahaa qodabada maanta lagu qaybiyey kal fadhiga 11-aad ee wakiilada Somaliland.

Kal fadhigan maanta ayaa ahaa mid aanay u wada dhamayn mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, ilaa hada waxaa jira mudanayaal dalka dibadiisa safaro kala duwan ugu maqan.

 

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com