Gaadhi Iskarogo ah Ayaa Daraasiin Caruur ah Wiishka Ku Dalacay Kadib Markii Ay Ka Fuuleen Daad Maraayey Dooxa Hageysa

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-07

Hargeysa (Waryatv.com), Magaalada Hargeysa waxaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ka da’aayey roobaab aad loogu qabawsaday, kuwaasi oo ay aad u soo dhaweeyeen guud ahaanba shacaba somaliland ee xoola dhaqatada ah iyo qaybaha kale ee bulshada.

Roobabkan ayaa sidoo kale saamayn weyn ku yeeshay guud ahaanba isku socodka dadweynaha ku nool magaaalda Hargeysa, labada daamood ee ay ka kooban tahay magaalada hargeysa ayaa waxaa kala qaybiya dooxa weyn oo leh biriish  kaiya.

Caruur daraasin ah oo uu daad ku xidhay dooxa weyn ee magaalada Hargeysa oo saacado badan halkaasi ku gadoomay ayaa damcay inay daadka ka koreen gaadhi iska rogo ah oo maraayey wado ku dhex taala dooxa weyn oo isku xidha xaafada Guryasamo iyo suuqa hoose, isla markaana u dhaw fooqa jajabka ee Hargeysa.

Darawlkii waday gaadhiga iska rogada ah ayaa markii uu maraayey badhtamaha dooxa ku dalacay wiishka iska Rogada sida dhagaxaantaa caruurti saarnayd, waxaana mar kaliya qaylo isla oogsaday dadweynihii kale ee uu daadku ku xanibay dooxa weyn ee Hargeysa.

Ugu yaraan 4 caruura ayaa afka dhula daray, laba ka mida ayaa waxaa ka daatay min laba ilig, waxaana loola carary dhankaas iyo saldhiga booliska ee xaafada Guryasamo si ay uga soo qaataan Rifeerto.

Darwalkii waday gaadhiga ayaan ilaa hada la ogayn sababta ku kaliftay in uu sida jayga caruurtaasi u daadiyo, sidoo kale warar aanu hada ka helayno dad xogogaal ah oo u dhaw saldhiga xaafada Guryasamo ayaa noo sheegay in la sii daayey darawlkaas.

Waa markii koowaad ee tan oo kale ka dhacdo somaliland iyo guud ahaanba magaalooyinka ay dagaan dadka somalida ahi.

 

 

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com


Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com