Ahmadinajad: Weeraradii 9/11 ee USA waa kuwo lasoo farsameeyay
2010-03-07
Madaxweynaha dalka
Iran Mahmoud Ahmadinejad ayaa daboolka ka qaaday in weeraradii
diyaaradaha ee lagu qaaday saraha dhaadheer ee magaalada New York
"World Trade Canter" 11. september 2001 ay ahaayeen kuwo ar soo
maleegeen sirdoonka Mareykanka islamarkaana lagu xalaaleysanayay
qabsashada dalalka Afghanistan iyo Iraq.Warkan ayuu madaxweynaha Iran ka dhawaajiyay xilli uu kulan la qaadanayay sirdoonka dalkiisa, isagoona sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka in weeraradaasi ay mar-marsiyo uga dhigayaan dagaalka ay iclaamiyeen oo ay ugu magac dareen "LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA".
Ahmadinejad oo ku caan baxay ka careysiinta dowladaha Mareykanka iyo Israil markuu hadlayo ayaa dhowr jeer oo hore hadalo uu ku durayo labadan dowladood ka sheegay munaasabadaha lagu qabto dalkiisa ee sida aadka ah looga soo qeyb galo.
Horay ayaa waxa uu Ahmadinejad u sheegay in Israil laga tirtirayo qariirada aduunka isagoona ku tilmaamay Yuhuudu mid gabalkoodu dhacay.
"Allaah ayaa mahadleh, ka sokow dagaalka shacabka reer Falastiin ay wadaan kaasoo suuro galiyay in ay lumiso Isra`iil xaqi ay u laheyd in ay jirto, waana in laga masaxaa qariirada aduunka", ayuu horay u yiri madaxweynaha Iran, waxaana uu hadalkaasi ka careysiiyay Yuhuuda iyo dowladaha taageera.
In ka badan 3000 oo shacab ah ayaa ku nafwaayay weeraradii lagu qaaday New York kuwaasoo loo adeegsaday diyaarado rakaab ah oo iyana ay saarnaayeen dad shacan ah.
Warya Tv









