Gabadhii Laga Soo Xaday Qardho Oo Lagu Wareejiyey Qoyskeedii iyo Ninkii Lagu Eedeeyey Oo Dalka Laga Mustaafuriyey

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-07
Hargeysa (Waryatv.com), Waxaa maanta qoyskeedii lagu wareejiyey Caasha Maxamuud Xassan oo laga soo xaday magaalada Qardho oo ka tirsan deegaanada Somaliya,  kadib markii lagu qabtay magaalada Hargeysa mudo tobaad ka hor ah.

Caasha Maxamuud Xassan ayaa maanta iyada oo caafimaad qabta waxaa lagu wareejiyey qoyskii ay ka dhalatay, waxaana sidaasi sheegtay wasiirka wasaarada Qoyska mar ay ka hadlaysay munaasibad ka dhacday magaalada Hargeysa.

Sida ay daboolka ka qaadeen waxaa magaalada Qardho ka soo xaday gabadhaasi yar haweenay si weyn ula shaqaysay ninka lagu qabtay ee la sheegay in uu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ruushka, gabaadhi iyada ilaa hada meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama hayo.

Geesta kale qoyska ay ka soo jeeday Caasha Maxamuud Xassan ayaa maanta si farxadi ku dheehantahay u daadhaystay gabadhooda yar ee dirqiga kaga bad baaday iibsiga.

Geesta kale waxaa maanta dalka laga mustaafuriyey ninka Ruushka ah ee lagu qabtay iibsiga gabadhaasi yar, ilaa hada si cad looma ogaan halka yartaasi loo iib gaynayey.

Waa markii ugu horasay ee magaalada Hargeysa badhteenka sidan oo kale lagu fashiliyo kala iibsiga dadka nool.

 

 

Xafiiska Wararka ee  Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com





 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com