Qaban Qaabada Shirweyne Ay Isugu Iman Doonaan SNM Oo Ka Bilawday Magaalada Burco
Burco (Waryatv.com), Shirweyne ay isugu iman doonaan xubnaha mujaahidiinta Ururka SNM ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Shirkaasi oo salka ku haysa hawlaha
nabad galayda ayaa baaq iyo ogaysiis
lagu war galinaayo guud ahaan mujaahidiinta waxa ay goor dhawayd soo gaadhay
Waryatv, waxaanay u dhignayd sidan
Tariikh: 08-03-10
KU: Dhammaan Saxaafadda Madaxa Bannaan
KU: Isgaarsiinta Internetka ama websiteyada
UJ: -
QABANQAABADA SHIRWEYNAHA SNM.
Annaga oo ah Guddiga Qabanqaabada shirweynaha SNM, Waxaanu Halkan Ku soo
Bandhigaynaa Qodobadan Hoos Ku qoran:-
1. Haddaanu
Nahay Ururka SNM waxaanu Ogaysiinaynaa dhammaan SNM in uu jiro Shir ay isugu
imanayaan Debed iyo Gudo-ba, Kaas oo ah Baaq Nabadeed iyo Aayo ka tashi.
2. Shirkaas
oo ka dhici doona Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
3. Shirkaas
oo qabsoomi doona wakhtiga warbaahinta qaybheeda kala duwan lagu faafiyo,
soconna Doona muuddo 45 maalmood ah, kana Bilaabmaysa 8 da Bisha March
08-03-10.
4. Shirweynahaas
oo ay ka soo qaybgeli doonaan, Ergo dhan 82 xubnood.
5. Waxa
kaloo jira xubno marti sharaf iyo dhegaystayaal ba isugu jira oo ka soo qayb
geli doona shirka, waxaana lagala soo xidhiidhayaa Guddiga qabanqaabada.
6. Waxaanu
kale oo halkan si kooban ugu sheegaynaa arrimaha sababay qabsoonka
shirweynahan,oo ah kuwan:
A. Nabad
Gelyada Guud ee somaliland, in ay ka noqdaan kaalinta 1aad.
B. Dayac
iyo tayo la’aan ka muuqatay abaar ka soo Doogii SNM iyo agoomahoodii.
MAGACYADA XUBNAHA GUDDIGA QABANQAABADA.
1. FAARAX
SICIID SUGULLE……………………………GUDDOOMIYE
2. JAAMAC
SHAWR CILMI ………………………………GUDOOMIYE KU XIGEEN AHNA AFHAYEENKA GUDDIGA
QABANQABADA.
3. YUSUF
SULUB DIIRIYE ………………………………XOGHAYE
4. CABDI
JIRDE CAWED ………………………………XUBIN
5. XAYS
WARSAME KAAHIN ………………………….XUBIN
6. CABDI
CALI AXMED …………………………………XUBIN
7. AXMED
CAGAWEYNE ………………………………..XUBIN
Kala so xidhiidh Xubnahan:
2522,4314109 / 2522,4332295 / 2522,4333477.
ALLAA MAHAD LEH









