Madaarka Hargeysa oo Inuu Xidhmo Ku Dhaw

2010-03-07

WARYA TV- Madaarka Hargeysa ee caalimiga ah ayaa imaanshaha dayuuraduhu teel teel ku noqdeen ka dib markii dayuuradihii waaweyne oo dhami soo fadhiisan kari waayeen qaar kalena joojiyeen adeegyadoodii sida Daalo.

 

Madaarka ayaa la sheegay inuu u caadibanyahay 500 meter oo laami ah oo dawladdu ku dari kariweyday waddada dayuuradahu dul cararaan si dayuuradaha waaweyn ee rakaabku ay ugu suuragasho inay soo fadhiistaan iyadoo in muddo ahba wasaaradda hawlaha guud iyo wasaaradda duulista iyo hawada ku fashilmeen inay xal ka gaadhaan arrintan oo dheg xumo ku ah sumcadda Somaliland.

 

Dayuuradaha ka soo dega madaarka Hargeysa ayaa waxay haatan ku kooban yihiin dayuuradaha yayar ee loo yaqaano Jesnada (Cessana) iyo kuwa qaadkoodu aanu waxba dhaamin.

 

Lix sannadood iyo badh oo ay dawladda Daahir Riyaale talada waddanka haysa ayaa wuxuu maanta madaarka Hargeysa ku dhawyahay in albaabada loo xidho.

 

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in madaarka loo xidho doono dib u dhis lagu samayn doono.

 

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com